Waxaan Isha la soo raacay Campaign ay FACEBOOK
ka wadeen dhalinyaro Soomaali ah oo loogu magacdaray #Difaaca_Xasan_Xanafi.
Waxaan helay Filimkii iyo qoraalo laga sameeyey, ka dibna waxaan u fadhiistay
daawashadiisa.
Wuxuu ahaa VIDEO banaanka soo dhigayey
xaqiiqda ku saabsan Sheeko aad loo hadal hayey waayadii dambe oo ku saabsan
Xasan Xanafi Xaaji oo ah Suxufi Soomaaliyeed oo ku jira gacanta Dawladda Federaalka,
laguna xukumay dil toogasho horaantii bishan.
Sheekada Xanafi –inkastoo ay xiiso
laheyd- balse waxaa tabinayey hal dhinac
oo kaliya kaas oo ah dadkii ka soo horjeeday (cadowgiisa ahaa) oo isugu jiray Wariyeyaal, Mas'uuliyiin
Dowladeed iyo Agaasimeyaal Warbaahineed, mana jirin cid u garab raaricisay
dhankiisa oo u doodday xuquuqdiisa iyadoo la wada ogyahay halka ay gaarsiisan
tahay dhibaatada uu wajahayo kaligii.
Laakiin Kooxda (J4J) ayaa soo
bandhigtay wax badan oo ka qarsoonaa arrinta Xasan Xanafi, iyo qaabka loo soo
abaabulay qiraalka beenta ah ee afka looga geliyey, iyadoo jirdil iyo tacdiibin
loo marayo.
Qeybta koowaad ee xaley la baahiyey oo
ka mid ah Silsilado ilaa saddex qeybood ah- sida kooxdu sheegtay-ayuu Xasan
Xanafi ku kashifayaa been abuurka ay sameysay hay'adda sirdoonka 'Qaranka' ee
ay ku sheegteen in Xasan laga soo qabtay xuduudka Kenya.
Xasan Xanafi wuxuu sheegayaa in
Police-ka magaalada Nairobi ay soo qabteen isagoo jooga xaafad uu ka daganaa
magaalada, ka dibna lagu soo xiray saldhigga Police-ka ee Pangani, halkaas oo
muddo saddex habeen uu ku xirnaa.
Waxyaabaha lagala dhex bixi karo
VIDEO-ga (J4J) waxaa ka mid ah in Xasan Xanafi markii ugu horeysay ee la soo
xiray aanan loo soo qaban dambiyo saxaafadeed ama dilal uu geystay sababtoo ah
wuxuu leeyahay markii la I geeyey saldhigga waxaa la i weydiiyey in aan ka
qeybgalay weeraradii Lamu, Mpeketoni iyo Garissa. Balse markii la ogaaday in
uusan wax lug ah ku laheen weeraradaas ayaa Saraakiishii Kenya dalbadeen si hoose
loola mucaamilo oo laaluush la siiyo si ay u sii daayaan.
Intii uu ku xirnaa Saldhigga Pangani
Eheladiisa iyo Qaraabadiisa Juhdi adag ayey ku bixiyeen sii deyntiisa, xitaa
waxaa macluumaadka qaar ay sheegayaan in Police-ka Kenya ay qaateen lacago
badan balse nasiib xumo waxaa goordambe ay meeshu isku badashay Seylad xoolaha
lagu kala iibsado markii ay yimaadeen Mas'uuliyiin ka tirsan DF, Saraakiil kale
oo xambaarsan boorsooyin lacag ah si ay u iibsadaan Xasan Xanafi.
Sida uu Xasan Afkiisa ka sheegayo
waxaa dadkaas ka mid ahaa Maxamad Cali America (Safiirkii hore ee Somalia u
joogay Kenya), Necholas Kay (Wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa Somalia) iyo
Ninka lagu magacaabo Tuuryare oo isna heysta Hay'adda Sirdoonka DF, Waxayna la
mucaamileen Generalka ugu Sareeya Police-ka dalka Kenya David Kamaiyo, sidaas
ayaan ugu dambeyntii DF ay ku iibsatay Xasan Xanafi, laguna keenay magaalada
Muqdisho.
Mar haddiiba ay soo iisbadeen, waxaa laga habboonaa iney yiraahdaan "waan soo qabanay”.
Ehelkii uu ka dhashay Xasan Xanafi oo
juhdi waliba u bixiyey soo bad-baadinta Wiilkooda ayaa halkaas ku rajo beelay
sababtuna waa labadan arimood.
1 – Dad iyaga ka lacag badan oo Mas'uuliyiin ah oo u yimid in ku gorgortamaan iibsashada Wiilkooda.
2- Iyo tan labaad oo ah in lala
mucaamilay Mas'uuliyiin ka sareysa Saraakiishii gacanta ku heysay wiilkooda ee
ay iyagu la mucaamilayeen markii hore.
Waxaana taasi micnaheedu tahay in
wiilkooda ay kala wareegeen dad adeegsanaya lacag dowladeed iyo awood
dowladeed, sidaasna lagu soo kaxeystay oo lagu keenay Magaalada Muqdisho.
Iyadoo ay sheekadu sidaas tahay ayaa
hadana Xasan Xanafi markii laga soo dajiyey garoonka Muqdisho waxaa sha'nigiisa
laga dhigay war culus oo saaran canaawiinta kore ee warbaahinada, iyadoo lagu
sheegayo gacan ku dhiigle lagu soo qabtay howlgal gaar ah, waxaana
Propaganda-daas horboodayey Sirdoonka Dawladda Federaalka iyo qaar ka mid
ah Warbaahinta Muqdisho.
Tani waxay ahayd beenta ugu weyn ee
lagu kashifay qeybta koowaad ee silsiladan taxanaha, Waxaase macquul ah in qeybaha
soo socda ay daboolka ka qaadi doonaan been-abuurro dheeraad ah iyo dacayaad
waxba kama jiraan ah oo laga fidiyey Sheekada Xasan Xanafi sababtoo ah Sheeko
been lagu bilaabay run laguma soo gaba-gabeeyo!.
Maadama ay Sirdoonka Dawladda
Federaalka iyo Warbaahintooda ay ka been sheegeen xaqiiqda runta ah ee ku
saabsan soo gacangelintiisa, Ma waxay ka run sheegi doonaan maxkamadeyntiisa
iyo su'aalo weydiintiisa?.
Wixii jiraaba wey soo butaaci doonaan
balse waa in aan fursad siinaa oo isha ku heynaa qeybaha kale ee cajaladda
Video-ga iyo waxa ka soo muuqan kara.
W/Q: Ciise Daacad
Xasan Xanafi Ma La Soo Qabtay Mise Waa La Soo Iibsaday? – W/Q Ciise Daacad
Fiidnimadii hore ee xaley ayaa anigoo ku dhex guureynaya baraha bulshada iyo Website-yada Soomaalida waxaan indhaha ku dhuftay VIDEO si weyn la isula dhexmarayey oo ay baahisay koox lagu magacaabo Journalists for Justice (J4J) Kaas oo cinwaankiisu ah