Soomaaliyeey ukala gar qaada R/Wasaare Kheryrre iyo Maxamad Ismaaciil!! WQ: Warfaa Kheyrdoon.

Tuesday June 25, 2019 - 08:41:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliyeey ukala gar qaada R/Wasaare Kheryrre iyo Maxamad Ismaaciil!! WQ: Warfaa Kheyrdoon.

    Dowladda Ingiriiska waa gumeystaha ugu xun gumeystayaashii dalka Soomaaliya kusoo duulay ama qabsaday sababtoo ah waa gumeystaha kaliya ee markuu naga tagayay dhulkeena u qeybiyay dowlado Kiristan ah sida:- Itoobiya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ingiriiska waa gumeystaha ugu xun gumeystayaashii dalka Soomaaliya kusoo duulay ama qabsaday sababtoo ah waa gumeystaha kaliya ee markuu naga tagayay dhulkeena u qeybiyay dowlado Kiristan ah sida:- Itoobiya iyo Kenya.


Itoobiya wuxuu inaga siiyay Hawd iyo Galbeed. Kenyana wuxuu inaga siiyay NFD,waxaana qorshahan majaraha u hayay madaxdii Ingiriiska oo ay ugu horreysoQueen Elizabeth.

Qormadan waxaan doonayaainaan ku eegolaba munaasabadood oo ay qoyska reer Boqorku kala qabsadeen Hargeysa iyo Muqdisho, laguna casuumay Kheyrre iyo Baasarce.

Ra’iisulwasaare Kheyrre.

19-kii bishan,dowladda Ingiriiska ayaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ku qabsatay munaasanad ay ugu dabaal dageysa 93 guuradii kasoo wareegatay markii ay dhalatay boqoraddii dhulkeena bixisay ee Queen Elizabeth.



 

Xafladdan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisulwasaare Kheyrre oo heysta dhalashada dalka Norwey, iyo tobaneeyo madaxda iyo saraakiisha dowladda ah oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Marka laga yimaado ra’iisulwasaaraha waxaa xafladda aad uga muuqday Sambaloolshe oo ah sarkaal heysta dhalashada Ingiriiska oo lasoo shaqeeyay sirdoonka MI6, marna noqday taliyihii BS-ta ee DF, iyo C/raxmaan Yariisow oo ah duqa Xamar.

Kheyrre, wuxuu munaasabaddan ka sheegay iney tahay mid qaali ah oo farxad galineysa DF, maadaama meesha ay ka dhacayso ay tahay Soomaaliya. Kheyrre ayaa wuxuu kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee yimaada goobta xafladdu ka dhacaysay, sidaa darteed wuxuu la fajacay Sambaloolshe oo kaga soo horreeyay, markaasaa wuxuu ku yiri’ "Waa yaa ku keenay meehsa” Sambaloolshe ayaa ku jawaabay "meesha ma ahan meel aad adinku ka talisaan” Hadalkaas waxaa loo sii tarjumayay saraakiishii Ingiriiska barbar taagnayd kuwaasoo qosol oodda jabsaday, saa waa agrtoode.


Dhammaan xubnihii laba kaarre-yaasha ahaa ayaa madasha ka sheegay in boqoradda Ingiriisku tahay qof halyey ah oo aaney abidkood illaawi doonin iyagoo taa u sababeeyay iney wax weyn u qabatay dadkeeda


Abwaan Baasarce

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo uu dhistay gumeystihii Ingiriiska siuu u isticmaalo ayaa waxaa kasoo degay"Duke of Gloucester”oo ayEeddo u tahay boqoradda Ingiriiska.

Dadkii daba dhilifyada ahaa ayaa bulshada dhex galay si ay uga dhaadhiciyaan iney wax kasoo dhaweeyaan ninkaas kasoo jeeda qoyskaas dhibaatada iyo hadimada baday ummada Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariisto’e,AbwaanMaxamad Ismaaciil (Baasarce), wuxuu kamid ahaasuugaan yahannadii caanka ahaa ee Wuqooyi Galbeed, waxaa loo keenay warqad casuumaad ah oo looga dalbanayo inuu kasoo qeyb galo xafladda soo dhaweynta sarkaalkaas.

Abwaanka oo ahaa nin damiir leh islamarkaana garanaya dhibka uu Ingiriis na baday ayaa wuxuudabadhilifyadii u sheegay inuu raacayo balse hal shuruud ay ku xiran tahay oo ah inuu meesha ka sheegayo gumeysiga xun ee Ingiriiska iyo sida uu Soomaali u dulleystay, hase ahaatee, waa laga diiday. Markaasuu isagana diiday inuu ka qeyb galo wuxuunatiriyay suugaantan:

Awowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay addoonsaday
Ninkii anigana i iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey
Lidaan li’i baa ishaa i bidee
Haddaan ogohoon ka aarsan karayn
Haddaan, Aadanow, unuunka jarayn!
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Isagoo Iglan jooga buu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimaysoo
Waa taa aramidu i oofa tirtee
Asaag li’i baa ishaa i bidee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Arladii ka samroo adduun ma hayee
Haddii la ilaashay afkaygii
Haddaan ikhtiyaar aqoontay hadlayn
Haddaanan erey qudha shirkaa odhanayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Wixii arrineen Ilaahay jecleyn
Haddaanan addimada ku oolin karayn
Aayaadka Quraanka wada aragtoo
Udgoonena yidhi "Indhaha ka qarshee”
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Akhristayaal, waxaan mar kale dib idiinkugu soo celinayaa su’aasha aan cinwaanka ka dhigtay. Labadan nin maxaad ku kala xukumi lahayd? Aniga shaqsi ahaan waxaa ii muuqda iney labadoodu kala joogaa qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhac. Iyo iney kala yihiin Faras iyo Baqal.

Abwaan Soomaaliyeed oo dabadhilifyada maanta cabiraya ayaa wuxuu yiri:

Siyaasigan dhulkeenniyo dalkii gaalada u dhiibay

Wax ma dhowrsadahan miidhaneen dhinacna eegeynin

Dhan loo dayaba nimankaa bulshada dhaawaca u geystay

Waa waxaan dhag xumo diidinoon ceeb ka dhiidhiyine

Dharaartii kastaba eel hor laa looga dhacayaaye

Ninba macallinkii wax u dhigey dhaqan wadaagaane

Isticmaarki naga dhoofay iyo gaalki baa dhalaye

Waa koronkortuu sii dhigtiyo tacabki dheeraaye.

waxaan nool nahay xilli ay arrimihii isku dhex darmeen, xilli samaantii, xumaan loo badalay, xilli wixii laga xishoon jiray lagu xashaashaayo, xilli gobnimadii yaraatay oo guntu badatay.

Gumeystuhu wuxuu waagii hore wadan jiray dad uu ku ugaarsado oo aan bulshada dhexdeeda qiimo ka lahayn, balse maanta wuxuu sameystay nidaam dhan oo wada dabadhifyo ah oo dowlad iyo maamullo loogu magac daray. "Alla maxaa ummada Soomaaliyeed la nabay”.

W/Q warfaa Kheyrdoon
Email:[email protected]

Related Items