Sawirro+Codad: Beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo diyo ahaan loogu kala Wareejiyay 600 oo neef geel ah.

Saturday September 21, 2019 - 07:44:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo diyo ahaan loogu kala Wareejiyay 600 oo neef geel ah.

    Waa arrin dhif iyo Naadir in beelo Soomaaliyeed ay maalin qura 600 oo neef geel ah diyo ukala qaataan, arrintan waxay ka dhacday gobolka Hiiraan oo intiisa badan lagu maamulo Shareecada Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa arrin dhif iyo Naadir in beelo Soomaaliyeed ay maalin qura 600 oo neef geel ah diyo ukala qaataan, arrintan waxay ka dhacday gobolka Hiiraan oo intiisa badan lagu maamulo Shareecada Islaamka.



Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa diyo ku kala qaatay gobolka Hiiraan, maamul islaami ah oo halkaas ka jira ayaa labada qabiil xoolo boqolaal diyo ah ukala wareejiyay iyagoona horay dad isaga dilay.

Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa diyo loogu kala wareejiyay beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Maktabka musaalaxada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku guuleystay in uu soo afjaro colaaddii udhaxaysay beelaha Xawaadle iyo Abgaal kuwaas oo sanadii lasoo dhaafay dad isaga dilay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.



Imaamka Beesha Abgaal iyo Nabadoonno ka socday beesha Xawaadle oo ku sugnaa munaasabadii diyada lagula kala wareegay ayaa soo dhoweyay dadaalka Xarakada ee heshiisiinta qabaa'illada Soomaaliyeed.

Beesha Abgaal ayaa qaadatay 500 neef geela oo ah diyada lix nin oo beesha Xawaadle ka dishay halka beesha Xawaadle ay qaadatay diyada 100 halaad oo ah diyad hal nin oo beesha Abgaal horay uga dishay.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in diyada lacag ahaan loo bixiyo waxaana calaa neef lagu qiimeeyay 400 oo dollarka Mareykanka ah, madashii munaasabaddu ka dhacaysay ayaa lagula kala waregay lacag dhan 240,000 oo dollar [laba boqol iyo Afartan kun oo dollar].

Halkan ka degso Kalimadihii ay odayaasha labada beelood ay munaasabadda ka jeediyeen MP3ama hoos ka dhageyso.




 





















Related Items