Xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa faah faahin ka bixisay socdaal uu madaxweynaha wadankaasi cabdi fataax alsiisi uu ku tagay magaalada khurduum ee caasimadda dalka Suudaan.
Afhayeen uhadlay madaxtooyada Masar ayaa sheegay in socdaalka Alsiisi ee Suudaan uu salka ku hayo heshiisyo iskaashi dhan walba ah oo uu lasoo saxiixan doono Cabdalla Xamduuk oo ah R/wasaaraha KMG ah ee wadankaasi.
soo dhoweyn rasmi ah ayaa hoggaamiyaha Masar loogu sameeyay magaalada Kharduum, ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalka Alsiisi uu salka ku hayo xoojinta cilaaqaadka kala dhaxeeya Suudaan oo laabaduba ay is khilaafsanyihiin dowladda Xabashida Itoobiya.
Afhayeenka Alsiisi wuxuu sheegay in madaxda laba dal ay islasoo qaadi doonaan, khilaafka ka taagan biya xireenka Alnahda,amniga biyaha badda cas iyo dagaalka ka socda xuduudda Suudaan uu lawadaago dalka itoobiya.
sidoo kale Asisi wuxuu lakulmi doonaa wasiirrada ugu muhiimsan xukuumadda Kharduum iyo taliyaasha ciidamada.
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli colaad xooggan ay udhaxayso Suudaan itoobiya halka masaaridu ay ka biya diidanyihiin dhismaha biya xireenka Alnahda ee itoobiya ay ka dhisayo wabiga Niil
Madaxweynaha Masar oo booqasho ay uga billaabatay dalka Suudaan.
Xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa faah faahin ka bixisay socdaal uu madaxweynaha wadankaasi cabdi fataax alsiisi uu ku tagay magaalada khurduum ee caasimadda dalka Suudaan.