Carona oo dad hor leh ku laayay dalka Faransiiska.

Monday March 08, 2021 - 10:36:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona oo dad hor leh ku laayay dalka Faransiiska.

    Caabuqa Caron Virus ayaa markale halaag daran ka geystay qaar kamid ah wadamada reergalbeedka oo ah kuwa ugu daran ee ladhiban caabuqan halista ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Caron Virus ayaa markale halaag daran ka geystay qaar kamid ah wadamada reergalbeedka oo ah kuwa ugu daran ee ladhiban caabuqan halista ah.


Faransiiska ayaa shalay sagootiyay boqolaal qof oo Carona uu halaajiyay, warbixin kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa lagu sheegay in caabuqa Covid19 uu shalay soo ritay dad gaaraya 21,825 ruux isagoona dilay 130 ruux.

Tirada guud ee dadka uu Caroona ku dilay dalka faransiiska ayaa gaartay 88,574 ruux, faransiisku waa dalka sedaxaad ee ugu dhimashada badan qaaradda Yurub waxaana ka horreeya Ingiriiska iyo Talyaaniga.

 



 

dhinaca kale dalka Mareykanka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagasoo diiwaan geliyay dhimashada kumanaan ruux, maraakizta caafimaadka waxay sheegeen in tirada bukaannada maalinlaha ah ay hoos udhacday balse tirada dhimashada ay sare ukacday, tirada guud ee dhimashada Carona ka dhalatay ee mareykanka ayaa ka gudubtay 525 kun oo ruux.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items