War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in markale shir siyaasadeed oo xal looga gaarayo doorashooyinka lagu qaban doono Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in shirkan uu qabsoomi doono 22 Maarso uuna socan doono muddo laba maalmood ah, wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay kasoo qeyb galaan.
Dowladda Federaalka waxay sheegtay in shirku uu Muqdisho ka dhici doono iyadaa iska indha tirtay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan xayndaabka Xalane kuwaasi oo diyaar garoobay in ay ka qeyb galaan shir ay garwadeen ka tahay Q.Midoobay.
Waa marki 4aad ee uu Farmaajo iclaamiyo shir xal looga gaarayo khilaafka dhanka doorashooyinka waxaana xusid mudan in kooxaha mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed oo awood badan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Farmaajo oo markii 4aad ku baaqay shir siyaasadeed.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in markale shir siyaasadeed oo xal looga gaarayo doorashooyinka lagu qaban doono Muqdisho.