Caabuqa Covid19 oo Kumanaan kun ku dilay dalka Baraaziil.

Tuesday March 30, 2021 - 16:21:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caabuqa Covid19 oo Kumanaan kun ku dilay dalka Baraaziil.

    Cudurka Corona Virus ayaa halaaggii ugu darnaa ka geystay wadanka Baraaziil oo kamid ah dalalka dhaca qaaradda Laatiin Ameerika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Corona Virus ayaa halaaggii ugu darnaa ka geystay wadanka Baraaziil oo kamid ah dalalka dhaca qaaradda Laatiin Ameerika.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in laba maalmood gudahood ay diiwaan gelisay dhimashada dad ku dhow lix kun oo ruux waana dhimashadii ugu badneed ee maalmo isku xiga lasoo calaamadeeyo.

Maalintii sabtiga waxaa Corona udhintay dad gaaraya 3800 oo ruux halka shalay dhimasho loo diiwaan geliyay 1656 ruux, sida ku cad warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda caafimaadka Baraaziil caabuqa Covid19 ayaa shalay soo ritay dad gaaraya 44,326 ruux.
 



Tirada guud dadka uu Corona ku dilay dalka Baraaziil ayaa ka sare maray 312 kun oo ruux sidaas ayuuna dalkan ku noqday dalka labaad ee caalami ahaan dadkiisu ladhibanyihiin Covid19.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items