Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah gaari ku jiirsiiyay Muqdisho.

Saturday April 03, 2021 - 13:58:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah gaari ku jiirsiiyay Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil maanta ka dhacay mid kamida isgoysyada ugu caansan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil maanta ka dhacay mid kamida isgoysyada ugu caansan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa moota bajaaj ku jiiray isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari gaashaaman uu dul maray moota bajaaj waxaana dhintay sedaxii ruux ee la socday.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ay ciidanada AMISOM si bareer ah gaadiidkooda ujiirsiiyaan dadka shacabka ah xilliyada ay ku socdaalayaan waddooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items