Melleteriga Urdun oo ku dhawaaqay howlgal lagu xiray amiirradii wadanka ugu sarreeyay.

Sunday April 04, 2021 - 13:40:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Urdun oo ku dhawaaqay howlgal lagu xiray amiirradii wadanka ugu sarreeyay.

    Melleteriga dowladda Urdun ayaa qaaday howlgal ballaaran oo lagu beegsaday saraakiisha ugu sarraysa qoyska talada haya marka laga reebo boqorka wadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladda Urdun ayaa qaaday howlgal ballaaran oo lagu beegsaday saraakiisha ugu sarraysa qoyska talada haya marka laga reebo boqorka wadanka.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Urdun Jeneraal Yuusuf Axmed Al Xuneydi ayaa telefeshinka dowladda ka sheegay in ay qaadeen howlgal amni oo beegsaday dhaxal sugaha wadanka iyo saraakiil kale.

Xukuumadda Urdun ayaa howlgalkan ku sifaysan mid qeyb ka ah feejigaanta dhanka amniga ah.

Mas'uuliyiinta laxiray waxaa kamid ah Amiir Xamza Bin Xuseyn oo ku eedaysan in uu maleegayay inqilaab melleteri iyo Shariif Xasan Bin Zeyd oo ahaa madaxii hore ee diiwaanka Boqortooyada Urdun.

 


Inta badan dowladaha Carbeed iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay howlgalkan ay iclaamisay xukuumadda Cammaan waxayna ku sifeeyeen mid looga feejignaanayay halis dhanka amniga ah.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in hoggaamiyaasha qabaa'illada iyo xubno katirsan qoyska talada haya ay qorshanayeen afgambi ka dhan ah Boqor Cabdallaha labaad ee Urdun oo ah shakhsi ay raalli ka yihiin Yahuudda iyo reergalbeedka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items