Dowladda Farmaajo iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay Qaraxii Shangaani.

Sunday April 04, 2021 - 13:44:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay Qaraxii Shangaani.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo kuna taal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo kuna taal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow saldhigga Booliska degmada Shangaani.

Dowladda Farmaajo iyo Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii xalay dhacay, taliska booliska ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 6 qof wuxuna dafiray in xubno katirsan dowladda ay ku dhinteen.

 

Halka la beegsaday ayuu Boolisku ku sheegay maqaayad laga cunteeyo balse XSHM ayaa goobta qaraxu ka dhacay ku sheegtay in ay aheyd isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil dowladda katirsan.


Dhinaca kale war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa oo uu fuliyay ruux naftiis hure ah lagu dilay 15 qof oo dowladda katirsan.

"15 askari oo isugu jira Boolis,saraakiil dharcad ah iyo shaqaale dowladda katirsan ayaa ku dhintay weerar istish-haadi ah oo ka dhacay isku imaatin kuyaal degmada Shangaani" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada SHM.

Degmada Shangaani ee uu qaraxu ka dhacay waxaa aad ugu xooggan saraakiisha Nabad sugidda dowladda Farmaajo waxayna tani muujinaysaa in ammaanka caasimadda uu faraha ka baxay islamarkaana waddooyinkii dhagxaanta lagu gooyay aysan waxba soo kordhin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items