Kooxo hubaysan ayaa weerar dilaa ah ka fuliyay bartamaha wadanka wadanka Hindiya waxayna xasuuq ugeysteen ciidamo katirsan kuwa gaarka ah ee dowladda Hindiya.
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda New Delhi ayaa lagu sheegay in weerar gaadma ah lagu dilay illaa 22 askari oo katisanaa ciidamada sida gaarka ah utababaran.
Saraakiil melleteri ayaa sheegay iyo kooxo fallaaga ah oo katirsan jabhadda maawiyiinta, weerarka oo ka dhacay gobolka Chhattisgarh ee bartamaha Hindiya ayaa yimid xilli ay ciidamadu howlgal ka wadeen dhulka howdka ah.
Maleeshiyaadka weerarka dhabagalka ah udhigay Hindiya ayaa si aad ah ugu faafsan gobollada gobollada kala duwan ee wadankaasi, mas'uuliyiin ayaa sheegay in Maawiyiintu ay awood ku leeyihiin illaa 20 gobol ayna halis ku yihiin amniga qaranka Hindiya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
22 katirsan ciidanka Hindiya oo lagu dilay weerar gaadma ah.
Kooxo hubaysan ayaa weerar dilaa ah ka fuliyay bartamaha wadanka wadanka Hindiya waxayna xasuuq ugeysteen ciidamo katirsan kuwa gaarka ah ee dowladda Hindiya.