Dhacdo naxdin leh ayaa lagasoo wariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Sida ay wararku sheegayaan koox qowlaysata ah oo aan wali heybtooda lagaran ayaa si arxandarra ah udilay laba carrruur ah arrinkaas oo dadka argagax ku riday.
Meydadka labadan carruurta ah ayaa lagu arkay meel wax yar ujirta Baydhabo, ehellada carruurta ayaa sheegay in shalay la waayay iyagoo kusii jeeday dugsi Qur'aan ay dhiganayeen.
"Meydadka wiil iyo gabar walaala ah ayaa saaka Baydhabo lasoo dhigay waxaana lagala baxay beerka iyo kilyaha" sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Baydhabo ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay meydadka laba canug oo qaar kamid ah xubanaha jirkoodu maqanyihiin.
Dhacdadan foosha xun ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow, magaaladan Carruurta lagu qashay waxaa gacanta ku haya ciidamada Xabashida Itoobiya waxaana xarumo ku leh hay'ado caan ku ah ka ganacsiga carruurta.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Meydadka Carruur si arxan darra ah loo dilay oo Baydhabo lasoo dhigay.
Dhacdo naxdin leh ayaa lagasoo wariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.