Sawirro: Sidaan ayay ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ula wareegeen degmada Bacaadweyne.

Sunday April 18, 2021 - 16:09:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidaan ayay ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ula wareegeen degmada Bacaadweyne.

    Ciidamda wilaayada islaamiga Mudug ayaa isku fidiyay dhammaan deegaannada hoos yimaad degmada Bacaadweyne ee dhawaan ay la wareegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamda wilaayada islaamiga Mudug ayaa isku fidiyay dhammaan deegaannada hoos yimaad degmada Bacaadweyne ee dhawaan ay la wareegeen.

Mas'uuliyiin ka socotay wilaayada islaamiga Mudug iyo saraakiil ciidan ayaa deegaanka Bacaadweyne kulamo kula qaatay bulshada deegaanka.

Sawirro lagasoo qaaday deegaanka ayaa muujinayay ciidamada Al Shabaab oo la wareegaya magaalada sida saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada dowlada iyo xarumaha maamulka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ay gaareen dhowr tuulo oo Bacaadweyn hoos yimaad halkaas oo ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii maamulka Galmudug.

 


Bacaadweyne waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo khasaara badan dhaliyay balse jimcihii lasoo dhaafay ayay awoodda islaamiga ah ku guulaysatay loollankii waqtiga dheer qaatay.

Hoos ka daawo sawirro lagasoo qaaday Bacaadweyne





Related Items