Shacabka Suudaan Oo Dhigaya Dibad Baxyo Ay Ugasoo Horjeedaan Sare Ukaca Ku Yimid Qiimaha Rootiga.

Tuesday January 09, 2018 - 20:08:20
Super Admin
Khalalaasa dhanka dhaqaalaha ah ayaa lagasoo sheegayaa wadanka Suudaan ee dhaca Bariga Qaaradda Afrika xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dhaq dhaqaaqyo melleteri ay kajiraan xuduudaha Suudaan ay la wadaagto wadamada Masar iyo Eretreia.


Wararka ka imaanaya magaalada khurduum ayaa sheegaya in iskusoo baxayo ballaaran ay ka dhaceen waddooyinka magaalada iyo deegaannada ku dhow, kumanaan kun oo qof ayaa dhigay mudaaharaadyo ay uga cabanayaan sicir barar xadhaaf ah oo ku yimid qiimaha lagukala iibsado cuntadaa nuucyadeeda kala duwan.

Waxaa si gaar ah uqaali garoobay Qamadiga rootiga laga sameeyo, aroortii hore ee maalinta Talaadada ayaa lagu arkayay waddooyinka khurduum dadka oo safaf dhaadheer ugu jira helidda Rootiga oo ah cunto aysan ka maarmin malaayiin qof Suudaaniyiin ah.

Rootiga ayaa aad uqaali garoobay taas oo keentay in ururada shaqaalaha ay sameeyaan wax u eg kacdoon, arrinta waxay sii xumaatay kadib markii 18 kamid ah cuntada ugu muhiimsan wadanka Suudaan ay mar qura cirka isku shareertay.

Boqolaal kamid ah warshadaha Rootiga sameeya ee magaalada Khurduum ayaa ku hanjabay in ay shaqada joojin doonaan haddii aysan dowladdu Rakhiisin qiimaha Burka ama daqiiqda, sidoo kale dowladda Suudaan ayaa jartay lacago ay ku kabi jirtay warshadaha Rootiga sameeya.

Sidoo kale wuxuu hoos udhac daran ku yimid qiimaha sarrifka lacagta Giniga maxalliga Suudaan marka lagu bedelayo dollarka Mareykanka taas oo lagu sheegay middii ugu xumeed Abid 30 sano gudahood.

Ardayda dhigta Jaamacadaha iyo iskuulada oo sicir bararku uu saameeyay ayaa dhigaya iskusoo baxyo ballaaran, gobolka Daarfoor rabshado ka dhashay qiima kaca ku yimid Rootiga waxaa ku dhintay hal qof oo dibad baxayaasha kamid ah 16 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Related Items

Update cookies preferences