1. Ga,da maanso geeddoow hadaad gabay i weydiisay,
2. Mid gufaaco aan ula baxaan soo gudbinayaaye,
3. Gumaystuhu inuu liicay baan dunida gaadhsiine,
4. Muslimkii inuu guul helaan idin gar waaqsiine,
5. Gamaankii islaamkee wax badan gooni miranaayay,
6. Heensaha in lagu gaadhay baan gaanka maqashiine.,
7. ikhwaanow haddaan horay u galo gabayga baarkiisa,
8. Sawaaxiligu wuu gama,sana gooshkan ka horoowe,
14. Nayroobi gaadaa tegoo suuqyadii gubaye,
15. Westi gayd ragbaa galay wax badan lagu gadaanaaye,
16. Gobollada dhankaa xeebta xiga geesiyaa jira’e,
17. Boqollaalna lagu gawracyoo dhiigu galac leeye,
18. Badhtamaha lagaadhyoo wax badan guulo laga keenye,
19. Gaadhiyaana laga soo qabtaa goor iyo ayaane,
20. Gaarisana wajeer caasiyadu ugama gooshaan,
21. jaamacad gumaystuhu kafuroo gaallo lagu qooqsho,
22. Oo gabanno khaanziir ku koray lagu gardaadsiiyo,
23. Oo ay gala baxahayaan gacal yahuudeedku,
24. Dhallintana ku guubaabiyaan baybal garabsiinta,
25. Goonyaha saliib laga sudhana gorodda loo hoorsho,
26. Iyadoo gaddaa laazintoo lagu gadaafeeyo,
27. Guduudiga ragbaa miray intay gamasyo qaateene,
28. Hiirtii kuwaa galay intay gumac ku jiidheene,
29. Gudeheeda nimanbaa qabsaday oo ku gaylamaye,
30. Wiilal baa gunta ujoogsadaan gabanna siidayne,
31. Inamaa gashigii maqnaa maalintaas gudaye,
32. Rijaalbaa garoobtii wax badan ciil la gubanaysay,
33. Akhyaar baa marwadii goomanayd gooyey cadhadeede,
34. Geesiyo naftoodaba huroo guulle Samir siiyey,
35. Oo aan gadaal dhuganinbaa gaadhay libintaase,
36. Garmaamay ku dhaafeen kuwii gaadhka loo xulaye,
37. Guulwade aduun gooyayoo aakhiro ugayfan,
38. Oo meelwalbaba gaadhayaa geesiyoow badane,
39. Kii gebi ku dhuuntiyo midkii geedo sare fuulay,
40. Iyo kii intuu ciid dhex galay geesaha ubuuray,
41. Godkiisii inta loogu tegay baa la gawracaye,
42. Mandheereana ka go,e laybarkii gaalada ahaaye,
43. Guryahooda oo haawan bay galab ka yaaceene,
44. Cali roobow gocorkii ahaa waranku gees qaadye,
45. Isagoo galaydh yeynayuu jiidhay geedaha ,e,
46. Gaadiidki uu soo watana raayo lagu gaadhye,
47. Jiifkii inuu baad ka guro tuulada u gaadhay,
48. galabbaa wadada loo galoo jeebbo lagu gooye,
49. Gaadadaana laga toogtayoo gaalku ina dhaafye,
50. Galabtaa ninkii diray maxaa urugo soo gaadhaye!
51. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed_dheh,
52. Gudgudaha habeenkii curtiyo gaydhe dhaxameed-dheh,
53. Gabaad laga dugsado foorihiyo garangartiisii dheh,
54. Saxansaxada guushoo udgoon gaadhnay libintii dheh,
55. Gumaystaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh,
56. Gobo.kalena waa fulayadii gudaha soo aaday,
57. Ciidankii gayiga noogu yimid waa la gaasiraye,
58. Rag gabraaranaayaa heloo rubadda uun gooyne,
59. Guuraha rag caadaystay baa jeexyadaw galaye,
60. Gaaleef rag baa mariyayoo guray kur koodiiye,
61. Rag baa gacanta shiishkiyo ku saxay liifka geesmara,e,
62. Hilibkooda sida goodirkay haaddu gigaysaye,
63. Gadiid ma raacaan baqay galab carraabaane,
64. Ma gudaan habeenkii hurdana gama ma siiyaane,
65. Geed hadduu sanqadho fulaynimay kala gurguurtaane,
66. Geesaha bambaa laga dhigaa labada gooroode,
67. biyihii ka go,e oo wabiga gobo,na loo diidye,
68. Saxarada goshay dhiganayaan sida gurboodkiiye,
69. Gomodaha maqaadaan hadduu laylku soo galo.e,
70. Bayloodadii waa gurmeen gaasaska ahaaye
71. Guuxooda laga waa cirkay gelelafaayeene.
72. Miigii sidii gorayga awr giida nagu waalay .
73. Ee sacaha noo gaaxsan iyo halaha guul guulay.
74. Guutada cirkaa weerartoo gabalba meel aad ye.
75. Gacantaana lagu soo dhigoo gaadhi lagu keenye.
76. Gabdhahaa ku daawada Iyana gudaha waamoode.
77. Aarkuba markuu soo gurxamo galawgu wiiq leeye.
78. Kuukuuyo sidii fiin lagalay wata gabas layne.
79. Geesaha dalkoodiina waa guri colaadeede.
80. Allaylehe gaddii aan larabay gooste midhihiiye
81. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed_dheh.
82. Gudgudaha habeenkii curtiyo gaydhe dhaxameed_dheh.
83. Gabaad laga dugsado foorihiyo garan gartiisii dheh.
84. Saxan saxada guushoo udgoon gaadhnay libintii dheh .
85. Gumaystaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh.
86. .dameeraha kuwii gawrecee muunka naga gaabshey
87. Sidii gudurka maandeeq kuwii cunay gafuurkiisa.
88. Barqo mayska guureen danbaan geesna kaa marine?
89. Gabgab iyo iswaal bay rabeen inay ku goohaane.
90. Ma gadiid cad bay naga bexeen guusha bilowgeeda.?
91. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed_dheh.
92. Gudgudaha habeenkii curtiyo gaydhe dhaxameed_dheh.
93. Gabaad laga dugsado foorihiyo garan gartiisii dheh.
94. Saxan saxada guushoo udgoon gaadhnay libintii dheh .
95. Gumaystaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh.
96. Jubuutigana aan waxay galaan idin garwaaq siiyo
97. Gabanadaan ridawdee Iyana gaalo ku adeegan .
98. Aan guullihii uumay iyo diinta garanaynin.
99. Ee faranjigaw galay xaqana gooni uga baydhay.
100. Ina geelle soo gabawaree goofka uga leexday.
101. Waatay gumaadmeen sidii goosan weer helaye.
102. Iminkana hubkay naga gadaan gu,iyo jiilaale.
103. cabsi baa ugaysaye tollimo noogumay garane
104. shacabkuna geddoodii fahmoo gaadi mahayaane.
105. Hiil gacalnimay noo wadaan gubay warkeediiye .
106. Soomaligay garanayeen miiq u geli waaye.
107. Galin dhexe habiinkii warmaa lagu ganaayaaye.
108. Falaadh garabyo deelaysanbaa lagu gujeeyee.
109. Gabadh iyo ganboolayba waa loo galtamayaaye.
110. Insha allaahu way guurayaan galaban dheerayne.
111. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed_dheh
112. Gudgudaha habeenkii curtiyo gaydhe dhaxamee-dheh
113. Gabaad laga dugsado foorihiyo garangartiisii dheh.
114. Saxan saxada guushoo udgoon gaadhnay libintii dheh.
115. Gumaytstaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh.
116. Gobo,kalena waa burundigii leego lagu gooyey.
117. Kufaar macatab gaadada ku sida guuta lagu saarye.
118. Asxaab guullaheen doortayoo diinta garabtaagan
119. Salaadii allana soo gutoo mahad ku goohaaya
120. Adkaartii guduudiga akhriyi sooman gebigoodna.
121. Dhamaantood go,aansaday inaan guusha laga waaban
122. Waateey dharaar ugu galeen gudaha leegoode.
123. Guguciyo markii ay maqleen waxa gariiraaya.
124. lo,gisida sideedii miyaan gaadhi kari weyney!
125. meydkoodu sida adhi la galay meysu gudub yiilley?
126. Haadkii wax badan gaajo qabay darib magaadhsiiney?
127. Galabtiyo aroorti miyaann gododka faagayney.?
128. Waxay guuyo haysteen miyaa guudka lagu qaatey?
129. goobtaa wixii saanad iyo gaadhi laga taabay.
130. Gabay laguma soo koobi karo amase gaaraare.
131. Gurboodkiyo dhallaankii miyaa maalmo guranaayaye?!.
132. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed dheh
133. Gudgudaha habeenkii curtiyo gaydhe dhaxameed dheh
134. Gabaad laga dugsado foorihiyo garan gartiisii dheh
135. Saxan saxada guushoo udgoon gaadhney libintii dheh
136. Gumaystaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh
137. Yugaandhees waxaan goobno oo nabar la gaadnaaba.
138. Geesaha wax laga dhaafo ooy ganafka taagaanba.
139. Waxay gacantu seerayso ooy Burundi gooysaaba.
140. Gashigii markoo idil waxay gole la seexdaanba.
141. Guutada shahiidkaa heshoo lagu galaal xoorye
142. Goobtii janaaley sidii gocoso yaalliine.
143. Gacantaana qaar lagu hayaa gooshka maanta ahe
144. Iyaguba geddeey nagu faleen gacalku ciishooye.
145. Gabdhihii markee sheeganaa garab istaageenne.
146. Gumaystaha akhyaartii nacee shay ka gadi waayey.
147. Goortay nasaarada arkaan shiidka guranaayey.
148. Hadii galabta loo aarayoo khabarna uu gaadhay.
149. Oo ay gurbaan tumanayaan waa gedaan rabaye.
150. Guxushaayo waynoo cirradu suuniyaha gaadhay.
151. Gadhmadoobe shiikh iyo hadaan gaban ladhaafeynin.
152. Giddigeenba qiiradu ragoow nagu gar weeyeene.
153. Ninkii gacalo hooya huruuf gawnaxa ubuurey.
154. in masaar gondaha looga jaro waa geddey tahaye
155. Tawxiidka ruuxii gefeen tawbadana gaadhin.
156. Hilibkiisa inay naartu gubi waa geddeey tahaye.
157. In kambaala laga giisayoo wiirasku isgaadhey.
158. Goonbaarti doorada lahayd galabta ooyeeyso.
159. Musufeni gamba cad loo xidhoo ciil la gubanaayo.
160. Wuxuu gaangis soo diray dharaar laga gol roonaadey.
161. Oo qaar la gawracay kuwana goobta laga qaatay.
162. Gaadiid ahaan loo watoo reeryo lagu gaadhay.
163. Beeraha inaan gelinno oon gebi kareeteyno.
164. Oo ay gabdhuhu noo nastaan waa geddaan rabaye
165. Mar hadaan halkaas gaadhnayoon gaalo raraneyno.
166. Dalka waxay ka geysteen dhakhsaan uga gam,aynaaye.
167. Giddigeen sujuud inan dhacnaa nagu gar weeyane.
168. afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed dheh.
169. Gudgudaha habeenkii curtiyo geeydhe dhaxameed dheh.
170. Gabbaad laga dugsado foorrihiyo garan gartiisii dheh.
171. Saxansaxad guushoo udgoon gaadhney libintii dheh.
172. gumaystaha tixdaan kula hadliyo garshadaydii dheh.
173. Itoobiya ninkaan garanaynbaa lagu yar guulaaye.
174. .Gumaceede iyo waa naqaan gaanka ay tahaye .
175. Dalka maalintay soo gashana gooshkan ma ahayne.
176. Kuwii gudurka caydhiin baraa sii galgaal baxaye.
177. Iyagoo garnayl kaliya iyo guduma uun haysta .
178. Nimankii ka gawdhiyey dalkaa haatan gaamuraye.
179. Gantaaliyo waxay soo furteen goosatiyo qiiqe.
180. Shiishkoodu wuxuu gaadhaya guri amxaareaade.
181. Murti geesigii ina suldaan gabay ku soo sheegey
182. Oo aan inaan soo gudbiyo gocatay laabtaydu .
183. Guubaabadiisa hadaan galabta soo qaatay.
184. annagoon gantaalaha dhiciyo haysan qori gaaban.
185. Hashaan gaadda weynoo libaax uga gaboon waynay .
186. Inaan gorayo cawl uga tagnaa waa hal soo gudhaye,
187. Geddaan xaajadaa uga socdaan idin gar waaqsiine.
188. Dalkaan reer galbeedoo dhan iyo faranjigaw gooynay.
189. Aan koofilkii gibirka rabey baqalyahaw geeyney.
190. Gaalkii caddaa iyo hadduu biritishkii guuray.
191. Xabashidu inay gogol dhigtaan waa gugii tegaye.
192. Gumaysiga dadkaa jamanayoow galiya laantiinna.
193. Afartaa gufaacada yalkiyo moodda galabeed_dheh.
194. Gudgudaha habenkii curtiyo gaydhe dhaxaameed_dheh.
195. Gabaad laga dugsado foorihiyo garan gartiisii dheh.
196. Saxan saxada guushoo udgoon gaadhnay libintii dheh.
197. Gumaystaha tixdaan kula hadliyo garashadaydii dheh
198. .
199. Gobo,kalene waa niman gadhloo diinta gadanaaya.
200. Culumada sidii awr gurgura gibisha loo dhuujay .
201. Ee gaalku sida neef hayina caynka ugu giijay.
202. Ee xaqqa ka goojiyey sidii gaydho oo rimay, ah,
203. Gunno aan badnayn shiikhyadaas gaalada udoonta.
204. Ee gadaya diintii ilaah garashadaw siiyey
205. Gumaystaha kuwaa soo raree noogu gacan haadshey.
206. Ee gacal ka dhigay xabashidii ina gumaadaysey.
207. Guushi wataa soo iftoo geesiyaw kacaye.
208. Goortaan xoroownee arlada raayadu is gaadho .
209. Wadaad xume halkuu geli lahaa waanan garanayne.
210. Waxbase gabaygu yuu ilagudbine waxaan kusoo gooyey
211. adduunkii gilgilay oo kufrigi xaaja garan waaye .
212. Yurubtii gantaalaha badnayd way il gabadh layne .
213. Ruushkuna inuu gibir baxshuu goostay taladeede .
214. Yuhuudii gu yaal iyo gu yaal gacanta taagaysey.
215. Sidii gabadh malxiisada ayaa goonno loo xidhaye.
216. Obaamana hadduu shiicadii mowsil lagu gooyey .
217. Ee sida gashaantida shukada jaaban wada qaatay.
218. Caliyoow gargaar raafidada talo ka gayn weyday .
219. Iyo xuutiiyiin gaatirlee garab sanaayaaye.
220. Guushuna jihaad bay ku iman gooshka haatanahe
221. Kitaab gaabka gaalada la jira gaar wax ugu sheega.
222. Xarakadu inay gaamur tahay geeye khabarkeeda .
223. Amiirkeedu inuu geesi yahay gaalada usheega.
224. Geddii abu zubayr inuu ka daray caalamka u geeya
225. Gumaystaha inaan loo naxayn dunida gaadhsiiya.
226. Guulaystayaalow ka kaca waa gu,dirireeda.
227. Gardarrada kuwii nagula kacay gooyo luquntooda.
228. Nasarada inaan gawracnaa nagu gar weeyeene.
229. diintana gabaad inan u nahay geliya maankiinna.
230. Furimahana gala qaadirkaan gacalsanaynaaye.
231. Adduunyadu guyaal weeye iyo maalmo gudeheede
232. caqiidada u go ,a , aakhiraa gogoli noo taale.
Aqriso Gabayga Cusub Ee gufaaco iyo Abwaan Abuu Muxamed.
Gabaygaan oo la yiraahdo Gufaaco kana hadlaya jabka cadawga ku gaaray,gudaha Soomaaliya iyo guulaha Muuqda ee Muslimiinta waxaa ina soo gaarsiiyay Waxaa tiriyay Nin gumeysi diid ah oo lagu magacaabo Abuu Maxamed.