Maxaa Kajira in Dowladda Federaalka ay ka hortagtay Mashruuc Lagu Shiicaynayay Shacabka Muqdisho!.

Monday December 28, 2015 - 09:24:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kajira in Dowladda Federaalka ay ka hortagtay Mashruuc Lagu Shiicaynayay Shacabka Muqdisho!.

    Waqti shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay uu sare u qaaday dhibaatada uu hayo shacabka soomaaliyeed ayay sii xoogeysanayaan mashaariicda diinta looga saarayo soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay uu sare u qaaday dhibaatada uu hayo shacabka soomaaliyeed ayay sii xoogeysanayaan mashaariicda diinta looga saarayo soomaalida.

Muddo sanad ah waxaa magaalada Muqdisho ka socda mashruuc tashayuc ah oo xukuumadda Iiraan ay ku doonayso in ay muslimiinta sunniga ah ku shiicayso.

Mashruucan oo dhaqaale malaayiin dollar ah ku baxayo waxaa gacan weyn ka geystay dowladda Federaalka oo warfaafinta iyo siyaasadda ka taageertay.

Dowladda iiraan ayaa degmooyin katirsan gobolka Banaadir ka hirgelisay xarumo caafimaad iyo maraakiz lagu sheegay kuwa ijtimaaci ah oo bulshada wax loogu qabanayo balse ah xarumo dadka lagu shiiceeyo.


Warbaahinta islaamiga ah ayaa sanado ka hor ka digtay faafinta mad-habka shiicada baadilka ah balse waxaa joojinta faafinta shiicada gacan weyn ka geystay ducaad ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayay hay’adda Asha-haadda ladirirka DF-ka sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay unugyo qarsoon oo tashayuc  ku faafinayay Muqdisho.

Warka kasoo yeeray Sirdoonka DF-ka ayaa ah mid aan sal iyo raad laheyn,xaqiiqda ayaa ah in dowladda Federaalka madaxdeeda ay kaalin weyn ku leeyihiin in iiraan mashaariicdeeda gurrucan ku faafiso Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sanad ka hor dhaqaale boqolaal kun oo dollar ah ka qaadatay safaaradda iiraan ee Muqdisho iyadoona Telefeshinka iyo idaacadda Afka xukuumadda ku hadasha laga xayaysiiyay waxqabadka hay’adda Imaam Khumeyni oo la ogyahay falal dambiyeedka ay ka waddo soomaaliya.

Munaasabad guur wadareed ah oo Muqdisho ka dhacday 12 bilood ka hor waxaa si aad ah looga buun buuniyay warbaahinta afka DF-ka ku hadasha waxaana xusid mudan in safiirka iiraan laga wareystay Radio Muqdisho isagoo sunta shiicada dadka waxma garatada ah ka dhaadhiciyay,munaasabaddaasi guurka waxaa ku hoos qarsoonaa shiicayn oo dhammaan raggii iyo dumarkii laysku guuriyay waxay ka tageen diintooda waxayna qaateen shiicada baadilka ah.

Siyaasiga Cabdi Cadde oo kamid ah ruug cadayaasha Muqdisho ayaa sheegay in warka kasoo yeeray sirdoonka DF-ka uu yahay mid aan waxba soo kordhin Karin islamarkaana ay qorshe lagu dhagrayo shacabka soomaaliyeed ee dhaawaca la ah duullaanada cadawga.

"Hay’adda Imaam Khumeyni ee iiraan laga leeyahay waxaa dalka soo geliyay wasiirro iyo siyaasiyiin katirsan DF-ka iyaga ayaa ku faafiyay Muqdisho,madaxda dowladdu way ka dheregsanyihiin in shiicayn aan caadi ahayn ku socdo umadda maanta markii xaaladdu meel xun gaartay ayay isku dayayaan in ay bulshada waji ka raadsadaan oo ay dhahaan shiico ayaan la dagaalamaynaa”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Dowladda Federaalka malagu aamini karaa Masiirka umadda?.

Soomaalida oo idil ayaa ku isku raacsan in hoggaanka DF-ka ay yihiin dabadhilifyo gumeysi kalkaal ah islamarkaana dalka kusoo hoggaamiyay cadawga soo jireenka soomaaliyeed ee Itoobiya.

Sirdoonka gobolka Banaadir ee sheeganaya in uu gacanta ku dhigay unugyo shiica ah islamarkaana uu la dagaalamayo mashruuca tashayuca wuxuu ilaaliyaa ammaanka safaaradda iiraan iyo saraakiisha caddaanka Nasaarada ah ee ku sugan hoteellada caasimadda!.

Marka sidee lagu rumaysanayaa in sirdoon sidaasi camiil ugu ah shisheeye uu yiraahdo waxaan ka hortagay tashayuc? taasi waxay lamid tahay sheegashada xukuumadda Sacuudiga ee ah la dagaalanka iiraan isalmarkaana lacago malaayiin dollar ah ku taageeraysa xukuumadda shiicada Ciraaq oo la ogyahay xasuuqa ay ku hayso muslimiinta sunniga ah.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ah cidda kaliya ee shacabka soomaaliyeed u ilaalinaysa diinka,dalka iyo dadnimada.


Al Shabaab iyo qabaa’illada soomaaliyeed ee ku safka ah waxay ku guuleysteen in ay is hortaagaan ciidamo ka socda in kabadan 6 dowladood Afrikaan ah.

Weeraro dhowr ah oo mujaahidiintu Muqdisho ka fuliyeen ayay ku dileen saraakiil katirsanaa xukuumadda shiicada iiraan,walina mujaahidiintu way ku maqanyihiin la xisaabtanka kuwa ku lugta leh fidinta mad-habka shiicada.

W/D Warfaa Kheyrdoon

Related Items