Gabayga Addoomey W/T Cabdullaahi Soomaali.

Thursday January 28, 2016 - 13:10:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 4
  • Share via Social Media

    Gabayga Addoomey W/T Cabdullaahi Soomaali.

    Abwaanka/Saxafiga C/llaahi Yaasiin Jaamac C/llaahi Soomaali ayaa tiriyay Gabay cusub oo uu ku cabirayo halaaggii ciidanka Kenya kasoo gaaray dagaalkii Taariikhiga ahaa ee Ceel-cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari Kenyaan ah oo isagoo maxbuus ah ugacan galay Shababul Mujaahidiin
Abwaanka/Saxafiga C/llaahi Yaasiin Jaamac C/llaahi Soomaali ayaa tiriyay Gabay cusub oo uu ku cabirayo halaaggii ciidanka Kenya kasoo gaaray dagaalkii Taariikhiga ahaa ee Ceel-cadde.

Gabayga oo xiisa gaar ah leh ayuu Abwaanku ku diganayaa dowladda Kenya iyo Ciidankeeda wixii ay kala kulmeen geesiyaasha Muslimiinta ee gobolka Gedo.


Hoos ka Akhri Gabayga


Uskag iyo qarmuun badan iyo ur iyo shiir xoog leh,

Alle nimaan aqoon iyo kufaar eeyga cunabaa leh,

Ayeydii inuu soo xiree alambaquu hooyo,

Xabashidana uunsiga u shido ina ileeyaa leh,



Askaraha gumeysiga markii oofta laga gooyo,

Oohin iyo cataaw saa’ida ina gur guurtaa leh,

Gobanimada aaskeed iyo shay adima gooya

Orobiyo yahuud aaminkeed inanki gaas baa leh,

Irbad in aan dun loo gelin shacbiga ololna saameeyo,

Madaxweyna iibsanu dalkuu ka arimiyaa leh,

Indha li’i orod iyo iswaal olole duulaana,

Kuukuuyada ugaaladi cuntee eelka badanaa leh.

Aqli xumada waa lagu ba’aa laguna oomaaye,

Arli wada barwaaqiyo adoo amni wacan haysta,

Omos iyo kuleyl lama degiyo meel abaar badane,

Halka aar libaax jooga iyo aafta iyo duurka,

Ishkintiyo idihiyo riyaha eyda gala daaye,

Ubadkii la geeyoow kol uun aayar cunayaaye,

Ujeedada hadaan kuu fasiru amas kuu muujo,

Awoowgood la naarkii dulmigu uurka wada buuxay,

Gaaladii afleyrina hayee edeb darroonaayay,

Kenyaatigi aweetibaa heshee uus ma laga dhoobay!.

Aynigii ma tiigsado kolnaba kii ogaal xumiye,

Hadba wuxuu abaabula hayaa aramadiisiiye,

iilki iyo wuxuu qodan hayaa uubti loo wadaye,

Qoladuu ugaaskood yahana waa ambinayaaye,

Aayahooda wuu bi’inayaa idil ahaantoode

Ibteliyo wuxuu ula fadhaa aafo iyo hooge,

Aqalkooda wuxuu siibayaa udubadiisiiye,

Maantana uhuuraa ka dhigan kaa la eersadaye,

Unuunkaa dharaar laga jaray inamadiisiiye,

Taladii ureeysiyonaxliga eedeyba xigiye,

Sida arad ninkeedii furoo ehelki soo ceyrshay,

Allaylehe in dheer baan la rabay inuu ilmeeyaa dheh.

Adoomey wixii gaaray baan uunka maqashiine,

Ceel cadde amuurii ka dhacay aadanuhu yaabe,

Eel doreyd askaarii ka yimid aakhirow kaca’e,

Ilaah baa itaalkaa lahaa iyo awooddaaye,

Asigaa agaasimaha hayoo soo abaabulaye,

Ololkiyo hilaacii iyo uuradiyo qiiqi,

Infariir ka qaade kolkeey wada ekeeyeene,

Alshabaab ugaarsanahayoo aarsan baa helaye,

Isha waaga ooggii horey eber ka yeeleene,

Orod kii yiraahday wadnaa uga abaareene,

Aake iyo waxaa lagu hubsaday aalad qaraxdaaye,

Afka iyo indhihiyourshaha oogadiyo beerka

Araxdiyo waxaa lagala helay meesha ubucdaaye,

Gawaarida ayu nuuc ahee eebbe naga siiyay

Agab iyo hubkii laga furtaa aad fara weyne,

Axadkii damoodaa fajacaoo acjebayaaye,

Insha Allaah waxaa laga aqseyn kii astaahila’e,

Adoomey abaalkeed la mari waanay aragtaaye,

Ha yeeshe amriikaa hagoo kuna adeegtaaye,

Ingiriisna eey bay u tahay lagu eryoodaaye,

Noorweyna islaan bay u tahay ubad u haysaaye,

Waa aqdaamo howl loo diroo aad qabataaye,

waa taa arooriga dhexdii eleledeysaaye,

waa taa abuur doraad aayar gurataaye,

waa taa agoon badan iyo urur garoobaa leh,

waa taa abeydiin sidee iihda laga yaabe,

Ilaahay haddii uu yiraa ama ahaysiiyo,

Anigaan aburneyn hadaan aamus laga waayin.

WT: Cabdulaahi Yaasiin Jaamac Cabdullaahi soomaali


Related Items