Balse anigu waxaan difaacayaa Xaqiiqada anigoo u hiilinaya Taariikhda; way sahlan
tahay hal maalin in wax leys diba mariyo, laakin ma sahlana in Taariikhda la
marin habaabiyo, waayoo waxaa ii muuqanayay cadowgii Xasan iney ka fogaadeen waxa loo yaqaano
sharafka dagaalka ama "شرف الخصومة” .
Aadanuhu hore way u dhex mari jirtay colaad waxa ay
doonto ha ku qotontee, laakin sida uu Xasan ku sheegay Filimkii xalay aan
daawanay, waa wax lala yaabo, qof Maxbuus kuu ah oo hadane loo meerinayo hadal,
hadane isla hadalkaas ay kooxo shufto ah oo isku sheegaya warfidyeen ay
doonayaan iney Taariikhda geliyaan.
Nasiib wanaag, Xasan isaga ayaa ka daba-tagay taas,
haddii ay dili lahaayeenna waxaa hubaal aheyd in dad kale ay ka daba-tagi
lahaayeen; Soomaali ayaa hore u tiri "Beenu Cimri Dheer ma leh”.
Jilidda Filimka
Sida la kashifay, doorka ugu weyn ee Filimkii laga soo
duubay Xanafi waxaa lahaa saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka, waxaana
xiiso laheyd in Xasan uu daaha ka qaadayo arrimo khatar ah oo kooxdii soo
jishay Filimkan ay ka qariyeen dadweynaha, arrimahaas waxaa ka mid ah:-
1-Diyaarinta Filimka waxaa ka horeeyay Jirdil xooggan
oo Xasan loogu geystay Xalane iyo Madaxtooyada
2-Qisooyinkii uu Xasan ka sheekeynayay dhammaan hore ayaa loo soo diyaariyay
3-Hadalka iyo erayada waa loo meerinayay ka hor inta aan la duubin
4-Sheekooyinka qaar waa la allifay, sida in loo dhiibay
Taleefan oo laga duubay cod isagoo hanjabaya
Arrimahaas oo idil waxey muujinayaan in shuftidii Xasan
heysatay iyo kuwii xukumay ay dhamaantood u baahnaayeen tallaabooyin dheeraad
ah si ay ugu suuragasho hadafkoodii ahaa iney "danbiile” ka dhigaan dhibanaha
oo ugu danbeyn ay la tiigsadaan Maxkmadda, ka dibna ay xukun dil ah ku ridaan.
Waxaa la is weydiin karayaa, Dawladda Federaalka kuma
filneyn miyaa inuu Xasan ahaa nin Al-Shabaab ah oo la yaqaanay, ka dibna ay sidaasi ku xukumaan, halkii iyaga
iyo warbaahinadoodu ay isku kallifi lahaayeen dacaayad intaas la eg oo hadane
laga daba-tagay!
Si taas aan u ogaanno waxaa muhim ah inaan soo
bandhigno danbiyada laga yaabo in Xasan loo qabsan lahaa ama ay suuragalka ay
tahay in Maxkamad lagula tiigsan kari lahaa:
1-Xasan wuxuu ahaa nin ka tirsan Al-Shabaab
2-Xasan wuxuu ahaa nin Saxafi ah oo loollan dhan walba
ah uu kala dhexeeyay saxafiyyiin badan
3-Xasan wuxuu ahaa qof Muslim ah oo u kifaaxayay in
dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka
Qodobka Koowaad oo ah inuu Al-Shabaab ka tirsanaa way
ku filneyd haddii ay ku adkeysan lahaayeen, laakin waxey og yihiin in Xasan
muddo 6 sanadood ah uusan ka tirsaneyn Al-Shabaab, oo isagoo dhaawac ahina ay
reerkiisu gacanta ku hayyeen, ayna la tacaalayeen.
Haddii Dawladda Federaalka ay ugu baaqi jirtay
waalidiinta iney ubadkooda kala soo baxaan Al-Shabaab, maanta arrinkaas qofkii
loo sheego waxaa u jawaabaya qoyskii Xanafi oo inta wiilkoodii Al-Shabaab kala
baxay, hadane laga qaatay oo sidii badeeco seylad taalla oo kale loogu kala
iibsaday Nairobi.
Qodobka Labaad oo ah in Xasan uu ahaa Saxafi loollan
kula jiray saxafiyyiin kale wax danbi ah kuma lahaan karo sababtoo ah waa wax
lagu yaqaano xirfadda Saxaafadda.
Inta aan taas ka bixin, waxaa la is dhihi karaa,
Ninkaan isaga ayaaba saxafiyyiin dilay!
Hagaag, Ma ogtahay waxa kaliya ee Xasan loo heystay
iney aheyd tuhmad oo caddeyn aysan jirin?
Sababtoo ah Tuhun wuu jiri karaa, waxaana la tuhmi
karaa qof aan danbi gelin iyo qof danbi galay, balse waxaa lagu kala baxayaa
waa caddeymo oo kaliya!
Ma ku filan tahay caddeyn, codadkii jirdilka looga
duubay Xasan ee loogu meeriyay Filimka?.
Waa kuma qofka marqaatiga ka ah halkii uu Xasan dilka
ku geysanayay?
Hal arrin oo Xaqiiq ah way ka hoos baxday iney qariyaan
shuftadii Filimka soo diyaarisay, xaqiiqdaas oo ah in Xasan marna uusan
gacantiisa dil ku geysan, haddii arrinkaas uu yahay mid aan wada hubno sideen
ku qaadanaa codadka Xasan laga duubay oo shaki laga muujiyay markii hore,
haddana ay soo caddaatay in lagu amray inuu iska dhigo qof hadlaya oo qiranaya
ka dibna laga duubay!.
Cumar Faaruuq iyo Xasan Xanafi
Bishii December 2009-kii, ayaa wiil dhalinyaro ah oo
lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cabdul Mudhalib wuxuu isku dayay inuu qarxiyo
dayuurad Mareykanka ku sii jeedday, balse uma suuragalin, isagiina waa la qabtay.
Inanka yar oo Nigerian ahaa, ayaa Maxkamad lagu soo
taagay Mareykanka, wuxuuna qirtay dhammaan danbiyadii lagu soo eedeeyay isagoo
laakin u dhigaya si aysan Maxkamaddu dooneyn oo aad loola yaabay.
Wuxuu yiri Cumar "Hub waan qaatay, waayoo Shareecada
Islaamka ayaa na fartay inaan hubeysnaano, Colaad ayaan idin haayay waayoo
Shareecada ayaa na fartay in colaad loo qaado gaalada, Waan idin dili rabay
waayo Shareecada ayaa na fareysa qofkii na dilaaya inaguna in aan dilno, waxaan
ka tirsanahay "Argagixisada” waayoo magacaas waxaa u taqaanaan qof kasta ee
doonaya in Shareecada lagu dhaqmo, anigana Shareecada in lagu dhaqmo ayaan
rabaa”!
Markuu intaas ka sii daayay Cumar Faaruuq ayaa ku sii
daray hal xaqiiq oo muhim ah, wuxuu yiri "Haa danbiile ayaan ahay marka loo
eego Sharciga Mareykanka, Balse Halyeey Mujaahid ah ayaan ahay marka loo eego
Shareecada Islaamka”.
Maxkamaddii Mareykanka waxa waji-gabax ku noqday
hadallada uu wiilka yar ka uu sheegay, waayoo ma doonayaan in xaqiiqdaas la
ogaado oo wajigooda dhabta ah daaha laga feydo.
Hadda, maamulka Dawladda Federaalka iyo Shuftooyinka
Ajaanibta ah ee meesha ku hayya ma doonayaan iney soo shaac baxdo Xaqiiqada ah
iney Shareecada la dirirayaan, sidaa darteed waxaas oo juhdi ah ayay ku
bixiyeen kiiska Xasan oo ay ka soo sameeyeen Filim lagu daalayo oo nasiib
xumadooda ay diyaariyeen dad aan saxaafadda khibrad weyn u laheyn, kuwaas oo
qalalaad waaweyn oo dhanka Saxaafadda ah galay, laakin halkan ma ahan meesha
aan ku qaadaa dhigi karno.
Kiiska Xasan wuxu wax yar kaga duwanaan karaa kiiska
Cumar, in Xasan aan lagu qaban isagoo ku guda jira "fal-danbiyeed”, sidaa
darteed way mudan tahay Xasan inuu yiraahdo "Haa, Sharcigiina xittaa igu heli
meysaan danbi cad, kan Islaamka-na waxaan ahay Halyeey Mujaahid ah”.
Codadka Marqaatiga
Arrinka aadka fadeexadda u ah ayaa noqonaya codadka
inta Xasan Xanafi laga duubay hadane Maxkamad lagula tiigsaday, inteennii
Video-gii Xalay daawatay, wuxuu Xanafi qirayaa in mid ka mid ah wariyeyaasha
Maamulka Federaalka uu la hadlay, oo lagu amray inuu iska dhigo sidii nin u
hajnabaya, laakin khibrad la’aanta kii uu la hadlayay ayaa keentay inuu ku hadaaqo
oraahyo markii horeba dadka shaki geliyay sida isagoo iska dhigayay maalin uun
inuu sugi doono Xasan oo "Cadaaladda” hor taagan inuu arko!.
Ehellada Xasan Xanafi oo Aabihiis uu ka mid yahay ayaa
hadda jooga magaalada Muqdisho, kuwaas oo la yaabay marqaatiga codadkaan beenta
ah, ka dib waxaa fadeexo ka dhacday hadane in 3-dii nin ee marqaatiga aheyd ay
daah gadaashiis ka soo hadleen, hadane 3-dooda midkood wuu dhihi waayay anigaa
arkay Xasan oo gacantiisa wax ku dilaya.
Sida uu Xasan u sheegay asxaabtiisa qaar, 3-daas nin codadkooda wuu aqoonsaday wuuna magacaabay inkastoo ay isku dayeen iney is qariyaan.
Nin Abwaan ahaan jiray, oo 2006-dii dhac-dhac iyo
luf-luf ka raadsan jiray Islaamiyyiintii uu Xasan Xanafi ka mid ahaa ayaa ku
jiray dadkii marqaatiga iska dhigay!.
Video-yada hadda la faafiyay, oo u muuqanaya in la
duubay ka hor intii aan mar kale la xukumin Xasan, ayaa laga yaabaa iney wax
badan sii kashifaan si taariikhda looga ilaaliyo marin habaabinta.
Ugu danbeyn: 2
arrimood ayay sameeyeen shuftada ku lugta leh kiiska Xasan Xanafi si ay u
xaqiijiyaan xukunka dilka; ugu horreyn waxey sheegteen in iyagu ay soo
qabsadeen ninka, balse xaqiiqdu waxey tahay in ciidanka Kenya ay soo qabteen Xasan
oo xanuunsanaya, ehelkiisuna ay heystaan.
Marka labaad waxey ka soo duubeen codad been ah oo
qiraal ay uga dhigeen ninka, halka waxyaabihii loo heystay dhammaan aysan dhaafsaneyn
tuhmad oo kaliya; qof maxbuus ah oo la garaacay oo sidaan ii dheh lagu amray
ayay marqaati qiraal ah ugu adeegsadeen dacwaddiisa!.
Mar haddii xaqiiqooyinkan la kashifay, dad badan waxaa
u furan iney is weydiiyaan, xeerarka dawladda Federaalka ma qolo gaar ah iyo
qabiillo gooni ah ayay qabataan?.
W/Q Engineer Khaliif Muumin
E-mail: [email protected]
Xanafi…Maxbuus kashifay wajiga kuwii xabisay! W/Q E.Khaliif Muumin.
بسم الله الرحمن الرحيم HORDHAC: Ugu horreyn, anigu ma difaacayo Xasan Xanafi, mana u u shallaaynayo xaaladda uu ku jiro, sababtoo ah, Xasan wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadkii yaqaanay ay sheegayaan inuu Geesi ahaa, wuxuu aha