Gobollada qaar waxay
ka sameysay bandhigyo ay ku muujineyso iney iyada hoos yimaadaan, sidaa darteed
waxaan isku dayi doonaa in aan sameeyo qormooyin aan mid mid ugu eegayo oo ay
ugu horeyso middan aan uga hadlayo Puntland.
Magaalada Garowe ee
xarunta gobolka Nugaal, waxaa 27-kii bishan lagu qabtay xaflad loogu dabaal
dagayay 25-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay xilalka ku kala wareegeen
Mingiste iyo Milles, oo labaduba ahaa kuwii ummada Soomaaliyeed kala gaabshay.
Xafladda ayaa waxaa si
wada jir ah uga qeyb galay dadka Itoobiyaanka ah ee sannadihii lasoo dhaafay
lagu beerayay Puntland iyo qaar kamid ah kuwa Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada Garowe waxaana hor boodayay saraakiil katirsan maamulka ‘Puntland’.
Sawirada laga soo
qaaday goobta ayaa waxay muujinayaan muuqaalo uu qofka muslimka aad uga
murgoodo, oo aan ka xusi karo in dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay loo
qeybiyay calanka gumeystaha Itoobiya.
Muxuu Yahay Fasirka Dhabta Ah Ee Arriintan?
Runtii wixii ka dhacay
magaalada Garowe, ma ahan wax la dhayalsan karayo, marka kowaad haddaan si dhab
ahaan ah u qeyxo, waxaa lagu xusay laba Gaal oo ummada Soomaaliyeed dhib weyn u
geystay.
Mingiste waa ninkii ummada
Soomaaliyeed ku tilmaamay dad aan dal lahayn oo reer guuraa ah, sidoo kale waa
ninkii aynu isaga iyo ciidankiisii la galnay dagaalkii qaraaraa 1977-dii.
Mingiste, waa gaalkii
markii uu ku fashilmay qabsahada Soomaaliya soo diyaariyay qorshihii lagu
dumiyay dowladdii Maxamad Siyaad Barre, waxaan xusuusanaa in sannadkii 1982-dii
ay degmooyinka Balanballe iyo Galdogob Calanka Itoobiya ka taageen ciidamadii
Mingiste oo loo soo galiyay dharka jabhaddii SSDF, kuwaasoo ay hor kacayeen
saraakiil Amxaaro kalkaal ah.
Milles isaguna kasii
daran, waa ninkii Soomaali galbeed oo dhan hoos geeyay gumeysigooda, waa kii
caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ku xasuuqay magaalada Muqdisho islamarkaana
laga hayo hadalkii taariikhiga ee ahaa "Annaga ma rabno dowlad Soomaaliyeed,
balse waxaan rabnaa shacab Soomaaliyeed”.
Haddaba nasiib darro waxaan
maanta nool nahay xilli magaalada Garowe ee dalka Soomaaliya laga xuso
nimankaasi cadawga ah ee dakanooyinka lama illaawaanka ah inaga galay.
Madaxdii Xabashida iyo
kuwii Puntland ee meesha wada fadhiyay ayaa si ay dadka u marin habaabiyaan
sheegay in loo dabaal dagayo markii ay qowmiyadaha Itoobiya iska rideen
Mingiste. Haddaba haddii tooda loo raaco, Puntland ma qowmiyad Itoobiyaan baa?
Maxaase ka quseeya.
Tan kale haddiiba ay
sidaa dhacday oo la yiri’ waxaan ku faraxsan nahay dhicitaankii Mingiste, sow
micnaheedu ma ahan Milles oo kursiga ka tuuray ayaa fiicnaa!.
Calanka Lagu Ruxay Garowe
Calanku sidiisaba waa
astaan qaran oo ay ummad walbaahi ku muujiso jiritaankeeda, heybaddeeda iyo summadeeda
gaarka ah, sidaa darteed qolo walbaahi ma ogola wax kale iska daaye, in xitaa uu
calankeedu dhulka ku dhoco.
Haddaan
tusaale usoo qaadano calanka muslimiinta ee astaanta u ahaa Nabigeena
Muxamad صلى الله عليه وسلم waxaa darti u shahiiday dad badan oo muslimiin ah laga soo
billaabo Saxaabada رضي الله عنهمillaa maanta.
Sida
aan siirada ku aragnay, saxaabiga Jacfar Bin Abii Daalib رضي الله عنهayaa isagoo ku jira dagaalkii Mu’ta loo dilay raayada darteed, si
aysan dhulka ugu dhicin ayuu gacantiisa midig ku qabtay kadibna waa laga jaray,
haddana bidix ayuu ku qabtay, iyadiina waa laga gooyay, intaas kumaanu ekeyn
dadaalkiisa’e, wuxuu mar sadaxaad ku qabtay xabadkiisa illaa ugu dambeyntii uu
halkaasi ku Shahiiday Allaah ka raadi noqdo’e.
Islaamka xagiisa Calanku
waa sidaa, Gaalada iyo dowladaha iyaga ku daaban ee islaamka u nasab sheegtana,
aad bey astaamahooda u qadariyaan haba ku kala duwanaadeene, waxaana tusaale
loo soo qaadan karayaa, sida ay dowladba midda ay colaada kala dhaxayso u gubto
calankeeda.
Dalkeena Soomaaliya haddaan
tusaale usoo qaato, waxaa jira in calanka Buluuga ah dartii ay dad u dhinteen,
kuwaasi oo sida taariikhdu xuseyso uu ugu horeeyo askarigii loogu magac daray
Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa dhacday 1964-tii
kadib marii ay ciidamo Itoobiyaan ah soo weerareen askartii Soomaaliya ee
joogay Tog-wajaale oo dhacda xuduud beenaadka markaasoo ay ciidamadii
Soomaalida xeelad uga gurteen fariisinkoodii, balse Xalane oo arkay in
Xabashidu ku socdaan xerada oo uu calanka ka babanayay ayaa go’aansaday inuu
difaaco illaa uu gurmad ka helo isagoo dhaawac ah iyo calanka oo aanan dhulka
dhicin, kadibna uu geeriyoodo, waana midda keentay in dugsigii tababarka loogu
magac daro.
Haddaba, ujeedada aan
ugu dheeraaday Calanka ayaa ah inaan ogaano ayniga xafladdii ka dhacday Garowe
oo dadkii Soomaaliyeed ee joogay loogu dhiibay Calanka Nasaarada Itoobiya.
Hadafku wuxuu yahay in
Itoobiya doonesay iney Soomaali inteeda kale u bidhaamiso in la Itoobiyaaneeyay
magaalada Garowe, iyadoo uu madasha ku sugnaa C/xakiim Camey oo ah ku xigeenka
Cabdiwali Gaas.
Hogaamiyaha Puntland
ayaa sannadihii u dambeeyay muujinayay astaamo arrimahan ka marqaati kacaya,
kadib markii uu noqday ninka ugu safridda badan magaalada Adis-ababa, marka loo
eego madaxweyne Killinyada isaga lamidka ah sida:-Xassan Sheekh, Siilaanyo,
Shariif Sakiin, Axmad Madoobe iyo Guuleed.
Dowrka Culimada
Ummad walba oo ay soo
wajahdo mid lamid ah xaaladda ka taagan Soomaaliya, waxaa Alle kadib badbaadin
jiray culimada diinta Islaamka, kuwaasoo kasoo bixi jiray mas’uuliyadda uu
Allaah ka saaray diintooda iyo dadkooda Muslimiinta ah.
Maanta, waxaan arkaa
inta badan Culimadii Soomaaliyeed iney gabeen dowrkoodii ahaa jihaadka, faridda
munkarka iyo reebidda xumaha, iyagoo taa badalkeeda ku mashquulay
maslaxadahooda gaarka ah.
Markaan si gaar ah u eegno Puntland, waxaa ku nool Culimo badan oo isku tiriya iney kamid yihiin kuwa ugu aqoonta badan dalka, saasoo ay tahayna wali maanan arag hal Sheekh oo ka hadlay wixii ka dhacay magaalada Garowe. .أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ
Culimadaas oo u badan
kuwa la yiraahdo ICTISAAM ayaa waxay ku caan bexeen iney dhaleeceeyaan dadka
jihaadaya ee ay gaalada is hayaan, halka aad arkeyso ineysan kalimad ka oranayn
fisqiga iyo gunnimada hareerahooda ka dhacaysa.
Marka aan sidan u
tilmaamayo sifaadka xun ee wadaadahan, micnaheedu ma ahan inaan hadda uun arkay
dhaqankooda, balse waxay ummada Soomaaliyeed oo dhan ka wada dharagsan tahay
iney yihiin, kuwii Fatwooday in Soomaali galbeed la hoos geeyo gumeysiga
Itoobiya,Sidaa darteed lagama sugayo wax aan ahayn iney haddana Fatwoodaan in
Puntland la hoos geeyo Itoobiya.
Meelaha ugu badan ee
uu gumeystuhu ka sameystay wadaad xumayaasha ayaa waxaa kamid ah Somaliland,
Puntland iyo Muqdisho, hase ahaatee Hargeysa waxaa wax ka jooga culimo rabbaaniyiin
ah oo ka cod dheer kuwa gumeysi kalkaalada ah, Muqdisho iyo Garowese kuma arkin
culimo xaqa la jahra oo ummada u bidhaamiya wadaad xumayaasha iyo gumeysiga.
Baaq.
Halkan waxaan baaq uga
dirayaa ummada Soomaaliyeed meel walboo ay joogto, walaalayaal wadanku wuxuu
kasii dhacayaa haadaan, wuxuu halis ugu jiraa inuu galo gacan ka daran midda
Yahuuda ee Falastiin qabsatay, maanta waxaa jirta fursad dalka lagu badbaadin
karayo, taasoo ay macquul tahay inaan barri la helin, sidaa darteed waxaan ku
talinayaa in diinta iyo dalka dhiig loo huro.
Waajibaadka uu Allaah ina
saaray waxaa kamid ah, in aan difaacano diinteena, dalkeena iyo dadkeena
intaba, haddaan waajibkaas u dhaqaaqno waxaan noqoneynaa dad xaq u dirir ah oo
aanan laga guuleysan, walaalayaal fadhiga aan ka kacno.
Dhallinyarada
Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxaan u sheegayaa iney ogaadaan ineysan jirin cid
dalka u maqan oo aan iyaga ahayn, dal walba waxaa badbaadiya dhallinyaradiisa
ee aan iska dul qaadno Xabashida, Kenyaatiga, Ugandeska, Burundiga iyo kuwa
kalkaalayaasha u ah sida:- Hiil GUMEYSI (Jabuuti).
Sida sunnada ah ee uu
Nabigeena scw inoo sheegay, dadka muslimiinta laga weyn maayo cid xaqa ku
taagan oo gaalada la dagaalanta, waxaana dhici doonta in mustaqbalka la
sheekeysto, dadkuna u qeybsamaan kuwa taariikh fiican gala iyo qaar meel mugdi
ah ku qorma, waa inaan maanta beel beel iyo qof qof uga fakarnaa halka aan ka
fariisaneyno taariikhda qormeysa ee Soomaaliya.
WQ: Warfaa Kheyr-doon.
Dabaal Deggii Itoobiya Ee Garowe Iyo Dowrka Culimada Qormo.
Inkastoo Itoobiya fara galin iyo gumeysi ku heyso wadanka oo dhan, ayaa waxaa haddana jira tallaabooyin dheeri ah oo ay u qaadday qaar kamid ah gobolada wadanka oo ay kamid yihiin, Puntland iyo Muqdisho.