Intaasi kadib aqriste, waxaan hubaa inaad is weydiineyso su’aalo dhowr ah oo ay kamid yihiin: tolow! waa ayo abwaanka shirbaya? Muxuuse ku fasiri doonaa afarta walxaad ee uu cinwaanka ka dhigtay?.
Anigu maahi qof suugaan yahan ah, laakin waxaan jecleystay inaan idiin soo gudbiyo shirrib qiiro leh oo taabanaya xaaladda dhabta ah ee aanu ku sugan nahay. Shiribkan oo aad ii soo jiitay ayaa waxaan ka xifdiyay Sheekh Cabbaas oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kadib markii uu boqolaal qof u jeedinayay.
Sida aan la wada soconno, dalka Soomaaliya waxaa lagu soo qaaday duullaan Saliibi ah oo uu Aabe u yahay Mareykan sidoo kalana Habar u tahay Itoobiya oo ah cadawgeena kowaad.
Itoobiya waxay dooneysaa iney wadanka qabsato, halka Mareykan iyo xulafadiisa kale u xusul duubayaan sidii ay ku booby lahaayeen kheyraadka wadanka, ummadana uga fasaadin lahaayeen diintooda.
Soomaalidu waxay ahaayeen dad aan dulmiga qaadan oo wax kale iska dhaafe aanan dhexdooda iska aqbali jirin xad gudubka, waxaa dhici jirtay in Qabiil dhan ay naftooda u huraan Gabar laga caayay ama Geela laga dhacay, laakin waxaa maanta muuqata in sidaas oo kale aanan nafta loogu hureyn diinta Allaah (sw) waana midda keentay inuu Sheekhu yiraahdo sida soo socota.
Geeluba Wow Go’i Jirnee, Gacalka Diintu Gaabanaa!!.
Walaalayaal, sow uma muuqaneyso inaan ka gaabinay difaaca diinta, dalkeena iyo dadkeena intaba, maadaama aan iska daawaneyno waxa dhacaya oo uu ugu dambeeyay gummaadkii ay Xabashidu ka geystay degaanka Jaamac-dubbad ee dhaca xad beenaadka wuqooyi galbeed iyo Itoobiya.
In dalkeennu gumeysi ku jiro, dadkeenana la isir jarayo waxaa cadeyn u ahaa gumaadka joogtada ah iyo sida uu Gabre ugu amar taag leeyo kuwa madaxyo ku sheegga ah ee loo soo tababaray sidii ay ummada u gummeyn lahaayeen.
Intaa waxa dheer sida hablaheenii sharafta badnaa loogu geeyo ciidamada shisheeye, lagu daray gaalnimada dastuurka iyo hadalada xun xun ee xildhibaanada sida:- "Raggu wuu is guursan karaa iyo Itoobiya waa walaalaheen”.
Intii aan qaadan lahayn arrimahan iyo kuwa kale, waxaa dhaanta inaan gabigeenba hal galab aakhiro u hoyano innagoo xaq u dirir ah oo uu Allaah inaga raadi yahay, sidaa ayuuna Shirrinku ina dareen siinayaa.
Afar walxaatoo goyn ku taal, Galab inaan go’naa ka roon
Gabra iyo gumeysigiis, galab inaan go’naan ka roon
Gabdhahoo gaalo loo galbaa, Galab inaan go’naa ka roon
Geelow gar qaato gaal madow, galab inaan go’naa ka roon
Lama gar leh is guursigood, galab inaan go’naa ka roon
Ugu dambeyntii waxaa inala gudboon inaan noqono ummad damiir leh oo aanan gunnimo qaadan, taas ayuuna Allaah inooga raadi yahay, bil cagsigeeda oo ah inaan cadawga u hoganana waxaan ku mudaneynaa cadaab adduunyo iyo mid aakhiro sida uu Allaah Qur’aanka ku shegay.
Gowraca gaal ya gala raac, waxaa gudoonshay guulahey.
WQ: Cabdi Yare Xaaji Maxamad
Afar Walxaatoo Goyn Ku Taal Galab Inaan Go'naa Ka Roon. (Maqaal Suugaaneed)
Marka hore waxaan u mahad celinayaa Allaah (sw) oo nagu mannaystay nimco midda ugu weyn oo ah Islaannimada, marka xiga waxaan salaamayaa ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo bahda war baahinta xorta ah ee u taagan soo bandhigidda xaqiiqada dhabta a