Haddaba
sida ay qof walba ugu muuqato xaaladda dhabta ah ayaa waxaan jeclahay inaan
inti aan kari karo soo gudbiyo macluumaadyo ku dhisan cadeymo taariikheed,
waaqicana ka hadlaya.
Wixii
ka horreeyay Qarnigii 18-aad inta uusan billaaban duulaankii dhulkeena lagu
qeybsaday, waxaanu ahayn ummad dhaqan iyo dhaqaale ahaanba aad ugu xiran caalamka
Islaamka matashana muslimiinta geeska Afrika, taasna waxay keentay in
dowladihii gaalada inoo tashadaan.
Shirkii
taariikhiga ahaa ee ay 1884kii ku qabsadeen magaalada Baarliin ayaa
waxay ku goáamiyeen iney Soomaaliya qeybsadaan, waxaana dhacday in Itoobiya la
siiyo Hawd iyo galbeed, Faransiisku qaato Jabuuti, Kenya la siiyo NFD, halka
Ingiriiska iyo Talyaanigu kala qabsadeen Koofurta iyo Wuqooyiga.
Xilligaasi wixii ka dambeeyay wuxuu dalku
galay xaalad gumeysi oo wadatay dhallan rog iyo gaaleysiin, sidaa darteed waxaa
meelo badan ka bilowday dhaqdhaqaaqyo looga soo hor jeestay maamulkii
Gumeystaha. Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ayaa waxaa kamid ah: kii Jihaadiga
ahaa ee Axmad Gurey, sida la ogsoonyahayna ahaa halgankii ugu caansanaa Soomaaliya uguna horeeyay ee
looga soo hor jeeday gumeysiga.
Rabbi naxariistii
Janno haka waraabiyo ’e Axmad Gurey waxa uu ku guuleystay inuu Jabiyo
boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii illaa heer uu
gaarsiiyay iney gaalada walaalahood u qeyshadaan.
Halganki Axmad Gurey
oo ay ku dhismeen Imaarado islaami ah oo ah kamid hayd Harar, Shawo iyo Zeylac
ayaa waxaa xigay kii Daraawiishta oo uu hogaaminayay halyeygii Sayid Maxamad
Cabdulle Xassan kaasoo muddo ka badan 20 sannadood la dagaalamayay gumeystihii
Ingiriiska.
Daraawiishtii waxay
ku guuleysteen iney muddo ka badan qarni dib u dhigaan ahdaaftii gumeystaha oo
ahayd in dalka lasii kala qeybiyo ummada inteeda badan la gaaleysiiyo iyadoo
Sayidkuna uu inooga tagay dardaaranno uu Gabay ku cabiray.
Dabin buu idiin qoolayaa
waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xigana daabakhaada yuu idin dareensiine
Marka xiga dushuu idin ka rari sida dameeraha ’e
Marka xiga dalkuu
idin ku oran duunyo dhaafsada ’e
Sidoo kale waxaa
jiray hayeeyo kale oo la halgamay gumeystaha illaa markii dambe laga soo gaaray
sannadkii 1960 1-dii Luuliyo oo ay isku furmeen gobolada Wuqooyi iyo Koofur oo
ay Talyaaniga iyo Ingiriisku kala heysteen, goortaas oo la asteeyay in
Soomaaliya Xoriyad qaadatay.
Xorriyaddu Dhab Ma Ahayd?
Inkastoo uu
gumeystuhu ka guuray dalka, haddana Soomaalidu kama aaney faa’iideysan miraha
halgankeedii ee uu dhiiga faraha badan kusoo daatay, kadib markii loo dhisay
dowlad ku dhaqanta dastuur shisheeyuhu qoray xubnana ka yihiin dadkii ay gaaladu
soo carbisteen.
Alle ha u naxariisto’e Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) ayaa
markii uu arkay dowladdan tiriyay gabay ay kamid yihiin erayada soo socda:
Danbi ku hadli maayo’e ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galay e’
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsado
qalbigu waa dirkii Karal’e
Allaah u nxariisto e’ Abwaan kale oo isna
cabiraya inaanu gumeystuhu dhab u bixin kana tagay dhashiisii ayaa wuxuu yiri’
Good iyo abees bays bedeley garanamaysaane
Goraygii ilmihi buu
kategey guumiska ahaaye
Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareeye
Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay
Gumeystuhu wuxuu
ahaa mid mar walba fara galin toos ah ku hayay labadii dowladood ee ugu
horeysay, laakin dowladdii Kacaanka isaga ayaa dumiyay oo wuxuu u adeegsaday
Itoobiya iyo hogaamiye kooxeedyo caada qaatayaal Soomaaliyeed kadib markii ay
iskala qabweynaatay.
Istaraatiijiyadda Gumeystaha Ee Burburkii Kadib
Burburkii Soomaaliya
waxaa ku beegnaa dhicitaankii maamulkii Xabashida ee Mingiste, waxaana dhacday
in beesha caalamku ay laba waji ula dhaqanto xaaladaha labada wadan.
Itoobiya oo aan xabad ka dhicin ayaa waxay u
sameeyeen maamul badalay kii hore iyagoo juhdi ku bixiyay inaan la bililiqeysan
xarumaha dowladda, halka Soomaaliya ay u horseedeen inuu burburo milatarigeedii
sidoo kalana dalku galo fowdo iyo dagaal qabiil si ay ugu dambeyntii u sahlanaato
qabsashadiisa.
Dhowr iyo toban sano
oo ay dagaal qabiileedyo ka jireen Soomaaliya, gaaladu waxay ahaayeen kuwa
sheeda ka daawanayay oo sii hurinayay, laakin markii ay soo bexeen Maxkamadihii
islaamka dadkuna walaaloobeen ayaa waxaa dhacday iney soo duusho Itoobiya oo uu
Mareykanku gadaal ka taagan yahay.
Halgan iyo naf hur
badan kadib, Allaah ayaa qadaray in Xabshida dalka isaga cararto, Xarakada
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana dhidibada u aastay 11 Wilaayo oo sharciga
islaamka lagu dhaqo, kuwaasoo ay mar kale gaaladu kusoo duushay iyadoo food
saare ka dhiganeyso dowlad ku sheegyo dabadhilif ah.
Halkee Buu Xaal Marayaa Hadda oo 2016 Ah.
Soomaaliya oo
1884-tii loo qeybiyay shan ayaa waxaa maanta mar kale loo sii qeybiyay sagaal
maamul oo dhammaantood ka shidaal qaata cadawgeenii soo jireenka ahaa ee
Itoobiya. Maamuladan ayaa waxaa hogaan looga dhigay dad intooda badan qurbaha
lagu soo diyaariyay, kuwaasoo gaaray heer ay ansixiyaan shuruucda Qowmu
Luudnimada ee sida aadka ah loo hadal hayo maalmahan.
Ilaha dhaqaalaha ee
wadanka oo ay ugu horeeyaan kuwa caasimadda waxaa gacanta ku haya hey’ado iyo shirkado
ajaanib ah oo boob ku haya hantida ummada. Dalka waxaa ka ciidan ah askar shisheeye
oo ay ugu horeeyaan Xabashida iyo Kenya oo doonaya iney mar kale hantiyaan dhul
Soomaaliyeed, maadaama ay heleen nidaamyo caado qaatayaal ah oo aan diin, dal
iyo dad toona u naxayn.
Siyaasad ahaan waxaa
dalka xukuma Qaramada Midoobay, waxay dajisaa qorshaha dowladda iyo maamul
goboleedyada sida:- shirarka, doorashada, mooshinada xildhibaanada, xallinta
khilaafaadyada iyo wax yaabaha lamidka ah. Madaxweynaha DF Xassan Sheekh
Maxamuud wuxuu horraantii sannadkan sheegay inuu ku jah wareeray siyaasadda
beesha caalamka islamarkaana aanu garanayn halka ay Soomaaliya u wadaan iyo
goorta la abaal marin doono isaga iyo madaxda bugta ee lamidka ah.
Maalin walba waxaan
maqalnaa xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegaya in dalku gumeysi ku jiro, waxaa
ugu dambeeyay oo aan maalmihii lasoo dhaafay maqleynay culimadii iyo odayaashii
shisheeye kalkaalka ahaa oo ka cabanaya sharci ku sheegga la ansixiyay ee
dhigaya in raggu is guursan karaan inkastoo ay markii dambe ka laabteen
diidmooyinkoodii!.
Haddaba walaalayaal
adinka ayaan idiin deynayaa waxa aad ku sifeyn lahaydeen xaaladda uu dalku
marayo!.
Hadafka Shisheeyaha
Haddii aanan la iska dhicin shisheeyaha, waxaa u daggan in dalku kusii jiro xaaladda aan kor kusoo sheegnay iyo mid kasii daran, ugu dambeyntiina gobol gobol loogu biiriyo Itoobiya, waana qorshe halis ah oo lagu cirib tirayo Soomaaliya. Allaah kadib waxay badbaadada diinta, dadka iyo dalka ku xiran tahay ummada Soomaaliyeed oo aan hubo in haddii ay kacdo ay baajin karto halista, taasoo sidoo kale haddii ay u sacaba tunto maamulada khawanada ah sabab u noqon karta dabar go’eeda.
وَإِذَا أَرَدْنَا أَن نُّهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا فَفَسَقُوا فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا الْقَوْلُ فَدَمَّرْنَاهَا تَدْمِيرًا : قال الله تعالى
Aniga waxaan ku talin lahaa inaan qaadano awaamiirta Allaah oo aan jidkiisa ku dagaalanno si aan u helno raali ahaanshihiisa, cizi aduun iyo mid aakhiro. Jihaadku maanta waa waajib, qofkaan dooneyn inuu jidka Alle ku dagaalamo oo janno raadsado, xataa waxaa la gudboon inuu difaacdo naftiisa, hantidiisa iyo ehelkiisa. قَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَوِ ادْفَعُوا
Marka lagu soo duulo
ummadaha adduunka ku nool, waxay ku dagaalamaan mabda’ diineed ama mid
wadan, waxaana ceeb ah in Soomaali si uun isaga dhicin weyso gaalada. Axmad
Gurey, Sayidka, Sh/barsane iyo raggii lamidka ahaa, waxay gaalada kala hor
tageen Jihaad jidka Alle ah, halka dadkii Itoobiya la diriray 1977 ay u halgameen
hab wadaniyadeed iyagoo ku heesi jiray:
Ninkii Dhoof Ku YimidBaa Geeridu Dhibaysaa
Wakhtigii Dhamaayoo Wuu Dhaqaaqi Doonaaa
DhulkaSoow Anigu Malihi?
Jacaylka
dalka loo qabo darti waxaa la oran jiray:
Inaan nafteyda u hibeeyo
Noloshana geeri ku iibsho
Oo aan dartii iilka ugu hoydo
Arligeyga iyo ciidaa xaq igu leh…
Walaalayaal baaqeygu waa inaan kacnaa oo aan
Alle darti u jihaadnaa, waan kasoo gudubnay xilligii jaahiliyadda ee aan
raayada Towxiidka ka hoos dagaalanno, hana la ogaado haaddii aan gacmaha
laabanana inaan caruurteena uga tageyno gumeysi, gaaleysiin iyo aakhiro beel.
Nin dharbaaxo quureed dugsaday Dhaqanyadeed maalye
Dhashaadey
sugtaa xaajadaad dhowrataa abide.
W/Q Warfaa Kheyrdoon
1-dii Luuliyo 56 Sano Kadib 1960-kii Soomaaliya oo Gumyesi Gashay Warbixin.
Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye ayaa waxaa habeenkii hore laga xusay munaasabadda 1-da luuliyo, iyadoo uu madaxweyne Garguurte khudbadiisa ku sheegay in dalku xor yahay oo Soomaaliya meel wanaagsan