Samater wuu gutay waajibkii ka saarnaa
ilaalinta dadkiisa iyo dalkiisa, wuuna ku faraxsanaa sida dhalinyaranimadiisii
uu dalkiisa kaga soo ilaaliyey bahalada iyo cimriga dheer ee uu Alle gaarsiiyey
balse wuxuu ka murugeysnaa sida loo dayacay mirihii halganka iyo fursadda uu
helay cadowgii soo jireenka ahaa ee dabinta ku raadinayey dadka Soomaaliyeed.
"Waan jeclaa in aan idin arko
idinkoo mideysan oo cadowgiina cunaha kaga taagan laakiin ma arki doono sida ii
muuqata" ayuu yiri ka hor inta uusan geeriyoonin.
Gen. Samater wuxuu aad kaga
walwalsanaa sida dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay u qeybsadeen Dekadaha iyo
magaalooyinka Soomaaliya, ayna u hanteen hoggaanka maamulka ku sheega ka jira
Soomaaliya.
"77-dii waad xusuusataan,
daaqadaha Addis Ababa ayaanu garaacnay, maantana dakadda Berbera waxaa Xamaali
ka ah Itoobiya, wax kale iskaba dhaafe" ayuu yiri Samater oo aad u
qiireysan xilli uu ka hadlayey kulan uu kaga qeybgalay wadamada qurbaha.
Damaca Itoobiya iyo Talada Samater.
Wuxuu isweydiiyey sababta dhalinyarada
Soomaaliyeed ay qiiradii kaga tagtay oo ay dib u milicsan la'yihiin sharaftii
iyo cizigii ay lahaayeen. Wuxuu dhalinyarada rag iyo dumarba ugu baaqay in ay
ka dhiidhiyaan gumeysiga cusub ee kaga imaanaya Itoobiya iyo Kenya.
Wuxuu sheegay in damaca Itoobiya iyo
Kenya ee Soomaaliya uu yahay mid ay ku doonayaan in ay ku boobaan kheyraadka
iyo hantida dadka Soomaaliyeed.
Si gaar ah wuxuu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay qabsato Dakadaha
magaalooyinka Soomaaliya maadama aysan lahayn bad ama xeebo sida uu sheegay.
Markaan si wanaagsan u dhuuxay
hadalada Samater, kuna noqnoqday markale iyo mar saddexaad waxaan aad kaga
xumaaday in dabadhilif Xasan Sheykh oo kale ah uu Janaazo ku tukado Nin halyeey Samater oo kale ah. Waxaana dhowrjeer ku
soo cel-celiyey oraahda ah "Samater dabadhilif ma ahayn……laakiin
dabadhilif ayaa xaadiray duugtiisa".
Koox ka mid ah hogaamiyeyaasha
dabadhilifka u ah Itoobiya oo uu ugu horeeyo Xasan Sheykh Maxamuud iyo Ra'isul
Wazaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid iyo qaar ka mid ah waziirada maamul ku sheega Muqdisho
ayaa Samater ku tukaday Salaadda Janaazada, kana qeybgalay aaskii loo sameeyey!!
Waa kuwii baday ciilka iyo carada ee dhumiyey miraha halgankiisii, una
fududeeyey Itoobiya in ay qabsato dalkeena markale.
Waxaa la yaableh oo aan aad uga
xumahay in halyeey Samater oo kale ah oo sanka dhulka ugu jiiday Itoobiya ay
janaazadiisa ku tukadaan dabadhilifyo aan damiir lahayn oo dad iyo dalba meel
ku sheegin.
Xasan Sheekh Iyo Jig-Jiga.
Maalma ka hor Xasan Sheykh waxaa looga
yeeray magaalada Jig-Jiga oo ka mid ah dhulalka Soomaaliyeed ee ku hoosjira
gumeysiga Itoobiya. halkaas wuxuu kula kulmay dabadhilifkii kale ee deegaanada
kaga wakiilka ahaa nidaamka Tikreega ee Addis Ababa.
Markii uu ka soo noqday safarkaas
wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud si cad oo aan gambasho lahayn u sheegay in jig-jiga
ay ka mid tahay magaalooyinka Itoobiya, ayna qaldan yihiin dadka u taagan in ay
xureeyaan!!.
Wuxuu noqday madaxweynihii ugu
horeeyey ee Roog guduudan loogu fidiyo magaalada Jig-jiga ee soo mara
Soomaaliya waayo madaxweynihii isaga ka horeeyey ee booqday magaaladaas wuxuu
ahaa Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ku tagay diyaarad dagaal sanadkii 1977-kii
intii lagu gudajiray dagaaladii lagu soo celinayey dhulalkii Soomaaliyeed ee ku
jiray gacanta Itoobiya.
General Samter oo xilligaas ahaa
waziirkii gaashaandhiga ee Soomaaliya isna wuxuu ku tagay dareeskiisa dagaalka
isagoo sanka ka heysta baqtiga ciidamada xabashida ee daadsanaa hareerihiisa.
NinGeesi Samater oo kale ah ma mudan yahay in meydkiisa uu soo hor istaago
dabadhilif la mid ah Xasan Sheykh Maxamuud? mise waxaa la waayey qof damiir leh
oo Xasan ka horleexiyey safka, una sheega in uusan u qalmin ka qeybgalka duugta
samatar?.
Halyeey ayuu ahaa midka saarnaa
sariirta ee duugtiisa la isugu yimid balse kuwa ku tukanayey ayaan garan la'ahay
wax aan ku tilmaamo. Ma dumar darees rageed soo xirtay mise duul dabinka Itoobiya
nagu daayey?.
Maxaa Meydka Samater Loogu Aasay Wazaarada Gaashaandhigga
Sida aan ka warqabno Samater waxaa
lagu aasay dhismaha wazaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Arintan marka aad ka eegto meel fog
waxaad dareemeysaa in ujeedka Samater loogu aasay halkaas ay tahay mashruuc la
isku og-yahay sababtoo ah waxaan ognahay in Samater uu ahaa nin qarow iyo
kaabuus ku ahaa Itoobiya oo nolol iyo geeriba ay ku raadinayeen.
Maadama maanta uu geeriyooday jirkiisana uu gacanta ugu jiro dabadhilifyadoodii
u joogay Soomaaliya waxaa suuragal ah in Itoobiya ay dalbatay meydkiisa balse
cabsi laga qabo bulshada darteed laga joogsaday arintaas oo la qaatay qorshe
kale oo ka fudud midkaas islamarkaana meydkiisa loo dhigay meel la isku
og-yahay oo ay beri kala bixi karaan haddii ay yimaadaan Muqdisho ama ciidamada
Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.
Gunaanadkii Soomaalidu waxaan kula
talin lahaa in ay keydsato taariikhda dadkeeda, ayna gacanta dabadhilifyadan oo
kale ku aaminin aaska iyo duugta dadkii halyeeyada ahaa ee Umaddan ka soo
saaray gumeysiga ee dhaxalsiiyey sharafta iyo qiimaha ay maanta heystaan, waaba
haddii ay wax inoo hareene!!.
W/Q Suldaan Cabdul Majiid
FG:Fikirka wuxuu u gaar yahay qoraaga SomaliMeMo looma tiirin karo
Samatar Ma Ahayn Dabadhilif Laakiin Dabadhilif Baa Duugtiisa Xaadiray!! WQ: Suldaan Cabdul Majiid (VIDEO).
Inkastoo taariikhda Halganka iyo wanaagii uu dalkiisa gaarsiiyey aanan halkan lagu soo koobi karin, hadana Gen. Maxamed Cali Samater waxaa sharaf iyo qiimo ugu filan in uu ahaa halyeeygii sanka dhulka ugu jiiday dowladaha cadowga ee jaarka nala ah, s