Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu gaabis ku yimid howlgallada ay wadaan dalka Soomaaliya iyagoona eedayn kulul ujeediyay Xarakada Al Shabaab.
Madaxa Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ahna mas’uulka ugu sarreeya ee
maamula kumanaanka katirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan Francisco
Madeira ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro xarakada Al Shabaab uu galay
marxalad cusub.
Isagoo kalimad ka jeedinayay siminaar ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada
Muqdisho oo lagu baranayay ka hortagga Miinada ayuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dagaalka kusoo kordhisay
adeegsiga miinooyin casri ah kuwaasi oo wiiqay howlgalladii ay ciidamada AMISOM
sameynayeen.
Francisco Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay in miinooyinka dhulka lagu aaso ay
halis ku yihiin wax uu ugu yeeray dagaalka Argagagaxisada ka dhanka ah ee
Soomaaliya ka socda.
"Argagaxisadu ay isku dayayaan in aan galno ama aan ka soo baxno magaalooyinka
waaweyn haddii aanan ka hortagin miinooyinka dhulka lagu aasayo suurtogal ma
ahan in dowladnimo la gaarsiiyo soomaaliya”ayuu yiri wakiilka Midowga Afrika
ee Soomaaliya.
Ururka AU ayaa sheegay in Miinooyinka dhulka lagu aaso oo taaktiik dagaal ay
ka dhigteen dagaalyahanada Al Shabaab ay gallaafteen nolosha boqolaal Askari
islamarkaana ay caqabad geliyeen howlgalladda AMISOM.
"Waxaan u baahanahay in aan ka guuleysano dagaalka aan kula jirno isticmaalka
miinada ee ururka Alshabaab si aan wadooyinka aan sahayda ugu geyneyno
ciidamadeena ay ammaan u noqdaan.”ayuu yiri Madeira.
Midowga Afrika ayaa ka shanqariyay in Miinadu ay halis ku tahay nolosha
ciidamadooda islamarkaana ay burburiso gaadiidka gaashaamaan.
Warkan kasoo yeeray Hoggaanka ciidanka
shisheeyaha AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli xarakada Al Shabaab ay sare u
qaadday adeegsiga miinooyinka dhulka lagu aaso.
Waddooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Baraawe ayaa ah meelaha ugu daran ee
qaraxyada Miino lagula eegto AMISOM halka wadada xiriirisa Muqdisho iyo
Baydhabo ay iyana tahay meel kale oo lagu naafeeyay gaadiidka ciidanka AMISOM.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Midowga Afrika oo Sheegay in Adeegsiga Al Shabaab Ee Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso ay Wiiqday Howlgalka AMISOM.
Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu gaabis ku yimid howlgallada ay wadaan dalka Soomaaliya iyagoona eedayn kulul ujeediyay Xarakada Al Shabaab.