Deegaanadan waxaa ka mid ah Galcad, Bud-bud, Moqakori, Ceel-Cali,
Halgan, Tiyeegloow, Mubaax iyo Aadan Yabaal.
Go’aankan waxa uu ahaa mid lama filaan ah oo ka fajaciyey saaxiibada
Itoobiya sida AMISOM iyo DF, Waxaana laga bixiyey warcelino iyo falanqeyn kala
duwan.
Dadka qaar ayaa talaabadan ku micneeyey in Itoobiya ay soo taabatay
darbigii ugu dambeeyey, ayna bixisay tabar wixii ay heysay markii zaxfiga
duulaankeeda uu gaaray cirifka fog ee bariga Galgaduud, balse hadana ay awoodi
weysay in ay soo gabagabeyso ama ugu yaraan ay wiiqdo Awoodda Al-Shabaab. Dad
kale ayaa arintan ku tilmaamay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah oo soo food saartay
dowladaha Afrikaanta iyo deeq bixiyeyaashooda, halka kuwa kalena ay ku sheegeen
qorshe xiriir la leh rabshadaha iyo kacdoonada ka socda gudaha dalka Itoobiya.
Weerarkii Halgan June, 2016
Horaantii bishii June ee sanadkan waxay Al-Shabaab weerar
balaaran oo lagu hoobtay ku qaaday saldhiggii ciidamada Itoobiya ee Halgan,
halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 80 ka tirsan ciidamada xabashida.
Weerarkaas iyo dhaq-dhaqaaqyo xoogleh oo Xarakada Al-Shabaab ay ka sameysay
gobolada dhexe ayaa itoobiya ku qasbay in ay dib u eegis ku sameyso qorshaheeda
military, ayna dib kaga fikirto masiirka ciidamadooda ku kala daadsan gobolada
Hiiraan iyo Galgaduud maadama la iqtixaamay mid ka mid ah saldhigyadii ugu
waaweynaa ee ciidankooda.
Casharka ugu muhiimsan ee ciidamada Afrikaanta ay ka barteen
weeraradii lagu qaaday xeryahooda sida Leego, Jannaale, Ceel-Cadde iyo
Halgan wuxuu ahaa in ay isku soo
uruuriyeen awoodda kala tagsan ee ciidankooda, ayna dib kaga soo gurteen meelaha
tira ahaan ciidankooda uu ku yaraa, iyagoona Al-Shabaab u ogolaaday in ay dib
ula wareegto deegaano badan oo ay isaga baxeen ka dib weeraradaas.
Warcelinta Dowladda Itoobiya.
Waziirka warfaafinta Itoobiya ayaa xaqiijiyey in kumanaan
ciidankooda ah laga soo saaray Soomaaliya, wuxuuna xusay in dowladiisa ay
qaadatay go’aan ay Soomaaliya kaga soo saareyso ciidamadooda aanan u
xisaabsaneen Isbaheysiga AMISOM ee sida madax-banaan kaga howlgala qeybo ka mid
ah Soomaaliya.
Waziirkan ayaa sababta ku tilmaamay duruuf dhanka dhaqaalaha ah oo soo wajahday
dowladiisa maadama iyada oo kaliya ay bixin jirtay dhaqaalaha, zaadka iyo hubka
ku baxaya ciidamada aanan diiwaanka ugu jirin isbaheysiga AMISOM.
Wuxuu gabi ahaanba inkiray in arintan ay xiriir la leedahay
kacdoonada iyo xaaladda deg deg ah ee la geliyey wadankooda.
Ugu yaraan 15,000 ilaa 20,000 oo askari ayaa lagu tilmaamaa
ciidamada Itoobiya ee ka madax banaan AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, Waxaana
howlgalka AMISOM kaga jira ilaa 4,000 oo askari oo kaliya.
AMISOM
Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadooda ku jira isbaheysiga
AMISOM ay sii joogi doonaa Soomaaliya, ayna ka hoos dagaalami doonaan taliska
midowga Africa balse waxay sheegtay in talaabadan ay tahay mid lagu soo
daad-gureynayo kuwa aan u tirsaneen AMISOM.
Sidaas si la mid ah taliska AMISOM, wuxuu isna sheegay in
ciidamadan ay yihiin kuwa markii horeba danahooda u joogay Soomaaliya oo aanan
u xisaabsaneen isbaheysigooda, Islamarkaana Itoobiya ay u madaxbanaan tahay
danaheeda gaarka ah sida uu sheegay afhayeenka AMISOM, Lt. Col. Joe Kibet
Murrey.
Markii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay soo galayeen
magaalooyinka iyo deegaanada aan kor ku soo xusnay, ma jirin cid ka tirsan
taliska Afrikaanta ama hogaanka DF oo sheegay in ciidamadaas ay ka madax banaan
yihiin AMISOM, Islamarkaana ay wataan danahooda gaarka ah, balse taasi
badalkeed waxaaba loo gelinayey Shaatiga AMISOM si loogu xalaaleeyo dhiigga
dadka Soomaaliyeed.
Tusaale ahaan degmada Tiyeegloow -oo hadda la leeyahay waxaa
joogay ciidamo ka madax banaan AMISOM- waxay ciidamada Itoobiya soo galeen
dhamaadkii bishii August ee sanadkii 2014-ka, Waxaana Bayaan rasmi ah oo ka soo
baxay midowga Africa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay
degmadaas ‘ka xureeyeen’ Al-Shabaab, Islamarkaana weerarka lagu qabsaday degmadaas
uu qeyb ka ahaa howlgalkii ay xilligaas ugu magacdareen Badweynta Hindiya.
Halkaan hoose Ka Eeg Bayaan AMISOM ee Tiyeegloow.
Laakiin markii loo xalaaleeyey hantida, dhiigga iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, ayna gobalka Bakool ka geysteen tacadiyadii iyo xasuuqyadii ugu xumaa ayaa hadda waxay leeyihiin ma ahan ciidamo u xisaabsan AMISOM ama danahooda ayey u joogeen Soomaaliya!!.
Maalin uun ka dib markii ay qabsadeen Halgan, waxay ciidamada
Itoobiya si bareer ah rasaas ugu fureen gaari Homey ah oo ay la socdeen dad
Rakaab ah oo u socday tacsi, Iyagoona halkaas ku dilay ugu yaraan 7 qofood oo
ka mid ahaa rakaabkii gaariga, tiro kalena dhaawacay.
Ciidamadaas markii ay ka baxeen degmada Halgan waxaa la
sheegay in ay ahaayeen kuwo ka madax banaan AMISOM si la mid ah Tiyeegloow oo
kale laakiin markii ay soo galayeen degmadaas waxaa howlgalkooda ku faanay
AMISOM. Sidaas si la mid ah dagaalkii bishii June ee sanadkan ka dhacay halkaas
waxay AMISOM ku tilmaantay dagaal dhexmaray Iyaga iyo Xarakada Al-Shabaab.
Intaas waxaa sii dheer in ku simaha Abaanduulaha ciidamada
AMISOM Nakibus Lakara uu bartamihii sanadkan booqday degmada Halgan si uu u soo
dhiirageliyo ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa, wuxuuna ku tilmaamay
ciidamo ka tirsan AMISOM.
Nakibus Lakara, Ku simaha Abaanduulaha ciidamada AMISOM
oo jooga Halgan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in taliska AMISOM uu ciidamada
Itoobiya ku faanayey markii ay qabsanayeen deegaanada Bud-bud iyo Galcad ee
wilaayada Galgaduud, Iyagoo ciidamadii huwanta ahaa ee halkaas qabsadayna ku
tilmaamay AMISOM iyo DF.
Waa War rasmi ah oo Markii Itoobiyaanku qabsaday Galcad ay AMISOM ku Daabacday Barteeda Twitter-ka
Sidoo kale ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Moqokori iyo
Maxaas waxay ahaayeen AMISOM.
Waxaa isweydiin mudan sababta ciidamadan loo xisaabsan jiray
xilligii ay wadeen calanka guusha balse shaatiga AMISOM looga siibay markii ay
jabeen!!
Xaqiiqdu waxay tahay in tiir ka mid ah tiirarkii ugu
muhiimsanaa ee isbaheysigaas uu jabay, uuna dib u gurasho ka sameeyey dhul
balaaran balse AMISOM ay isku dayeyso in ay qafiifiso burburka iyo jabka intaas
la eg ee isbaheysigooda ku habsaday
Kuwa Sii Cararaya..Shalay AMISOM, Maantana Itoobiya!! WQ/Suldaan Cabdul Majiid.
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaan aragnay dib u garasho lama filaan ah oo ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinkii iyo deegaanadii ay duulaanka ku soo galeen ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka dib muddo sanado ah oo ay