Dad goob joogayaal ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in qaraxyo is xigxigay
oo ka dhashay duqeymo diyaaradeed laga maqlay garoonka diyaaradaha caalamiga
dimishiq oo qiyaastii 15 KM dhanka Koonfur bari uga beegan magaalada caasimadda
ah.
Qaraxyada ayaa ka dhacay qeybta melleteriga garoonka diyaaradaha oo ay
saldhigyo waaweyn ku leeyihiin ciidamada Nidaamka Nuseyriga Bishaar Al-asad iyo
maleeshiyaad taabacsan xukuumadda shiicada Iiraan.
Wariyaal ayaa soo sheegay in duqeymaha loo malaynayo in ay geysteen diyaaradaha
dagaalka Casriga Yahuudda oo bartilmaameedsaday goob hub ay ku keysanayeen
maleeshiyaad shiico ah oo iiraan ay usoo dirtay dalka Suuriya.
Telefeshin ku hadla Afka Ururka Xisbullaah isku magacaabay ayaa baahiyay
muuqaal muujinayay holac iyo uura madoow oo ka baxaysa garoonka diyaaradaha
dimishiq wuxuuna sheegay in duqeymaha lala helay qeybta keydka shidaalka
garoonka isagoo weerarkan ku eedeeyay Yahuudda sahyuuniyadda.
Dhammaan xaafadaha magaalada dimishiq iyo deegaanada ku dhow ayaa laga maqlay
jugta qaraxyada, dhinaca kale wasiirka howllaha guud iyo sirdoonka Yahuudda
ayaa sheegay in weerarada nuucaan ah lala beegsado marka Maleeshiyaadka
shiicada ay hub ka rarayaan garoonka dimishiq ama ay soo gelinayaan balse si
rasmi ah uma sheegin in ‘Israa’iil’ ay weerarkan mas’uul ka tahay.
Weerarkan duqeynta ah ayaa kusoo aadaya saacado yar kadib markii wasaaradda
difaaca Dowladda Ruushka ay ku dhawaaqday in nidaam sawaariikh casri ah oo lagu
koontarooli karo dhammaan hawada wadanka suuriya ay ku rakibtay saldhigga
Xumeymiim ee galbeedka wadanka Suuriya.
Dowladaha Ruush-ka, Yahuudda iyo Mareykanka ayaa leh isku xir dhan walba ah oo
ku aaddan duullaanka gardarrada ah ee lagu qaaday muslimiinta mandiqadda shaam.
Diyaarado dagaal oo Duqeymo Ba'an ka geystay garoonka diyaaradaha Magaalada Dimishiq ee Wadanka Suuriya.

Jugta qaraxyo waaweyn ayaa saaka aroortii hore laga maqlay dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada dimishiq ee caasimadda wadanka Suuriya.