Halista Baroordiiqda Ama Niyaaxada W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Saturday October 21, 2017 - 06:37:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halista Baroordiiqda Ama Niyaaxada W/Q Warfaa Kheyrdoon.

    Qoraalkan waxaan ugu tala galay in aan ku baraarujiyo arrin muhim ah, waxaanse ka horumarinayaa tacsi aan mar kale u dirayo dadkii muslimiinta ahaa ee inooga dhintay musiibadii isgoyska Zoobe oo aaney illaa iyo hadda jirin cid sheegatay, inta dhimata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan waxaan ugu tala galay in aan ku baraarujiyo arrin muhim ah, waxaanse ka horumarinayaa tacsi aan mar kale u dirayo dadkii muslimiinta ahaa ee inooga dhintay musiibadii isgoyska Zoobe oo aaney illaa iyo hadda jirin cid sheegatay, inta dhimatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaah ha u booga dhayo.



Dhacdadan waxay noqotay mid xanuun badan, dhanka kalana uu qofka siduu jecel yahay uga faa'iideysto. Tusaale ahaan waxa nalagu dhex faafiyay waxa la yiraahdo baroor diiq taasoo ah arrin xaaraan ah islamarkaana uu goodis adag kusoo arooray.

Hooyo ay gabadhi uga dhimatay dhacdadaas oo wareysi siineysay idaacadda VOA ayaa waxay su'aalihii la weydiinayay uga jawaabtay hab cajiib ah, waxay wariyaasha u sheegtay in ay qadari ku dhacday waxa la gudboonna ay yihiin iney tiraahdo انالله وانا اليه راجعون


 

Waa hooyo uu Allaah iimaan ku galladay sidaan u rajeynayo.

 

In badan oo naga mid ah iyo kuwa kalana waxay mareen dariiq kaa ka duwan oo ah dhaqankii jaahiliga ee uu nabiga csw ka digay sida in calanka hoos loo dhigo iyo in la baroorto.

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه [ ص: 375 ] عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال { ليس منا من ضرب الخدود ، وشق الجيوب ، ودعا بدعوى الجاهلية }
Nabiga csw wuxuu yiri: "nagama mid ahan qofkii dhabannada garaaca, jeebabka jeexjeexa oo ku baaqay jaahiliyad", Haddaba haddii aan ka badbaano labada hore, waxaanan inteena badan ka badbaadin dhaqamada jaahiliga, hadalladooda iyo calan hoos u dhiggooda.

ولقوله عليه الصلاة والسلام في الحديث الصحيح: ( أربع في أمتي من أمر الجاهلية لا يتركونهن : الفخر بالأحساب ، والطعن في الأنساب ، والاستسقاء بالنجوم ، والنياحة ) وقال : ( النائحة إذا لم تتب قبل موتها تقام يوم القيامة وعليها سربال من قطران ودرع من جرب ) رواه مسلم في الصحيح.

Nabiga CSW wuxuu inoo sheegay in afar ummadan dhexdooda ah ay yihiin jaahiliyad afartaas oo aaney ka tageynin, waxay kala yihiin: Qabiilka oo lagu faano, nasabka oo la duro, xidigaha oo lagu roob doono iyo in la baroorto, markaas baa wuxuu yiri: haddii qofka baroorataahi aaney ka towbad keenin ka hor inta aysan dhiman in lagu cadaabayo labis kulul oo laami ah iyo dhar cadho ka sameysan.

Dadka qaar baa laga yaabaa in marka ay qoraalkaan arkaan yiraahdaan wuu iska hadlayaa sababtoo ah isaga wax kuma dhicin, laakin qofka saa u fakarayow bal eeg xadiihtkan.

وعن أنس -رضي الله عنه- قال: مر النبي صلي الله عليه وسلم بامرأة تبكي عند قبر فقال: ((أتقي الله واصبري)) فقالت إليك عني، فإنك لم تصب بمصيبتي ‍ولم تعرفه، فقيل لها: إنه النبي صلي الله عليه وسلم فأتت باب النبي صلي الله عليه وسلم فلم تجد عنده بوابين، فقالت: لم أعرفك، فقال: ((إنما الصبر عند الصدمة الأولي)) (متفق عليه) .
وفي رواية لمسلم: ((تبكي على صبي لها)) .

Nabiga csw ayaa wuxuu soo maray haweeney qabri agtiisa ku ooyeysa, wuxuu ku yiri, Allaah ka cabso oo samir, waxay ku tiri, iga tag waxa igu dhacay adiga kuguma dhicine, markaas in uu nabiga CSW yahay iyadu ma ogeyn, waase loo sheegay markaase aadday oo u tagtay, waxay ku tiri kuma aanan garanayn, wuxuu ugu jawaabay in samirka uuba yahay musiibada agteeda.

Wax yaabaha laga qaadanayo xadiithkan waxaa kamid ah in qofka baroorta kaa celinaya aadan ku dhihin " hadallada aan maalmahaan caadeysanayo oo ah waa gartaa ..." waxa kale oo laga qaadanayaa in samirku uu yahay markaas ay dhacdada cusub tahay.

Culimadu waxay sheegeen in samirku uu waajib yahay.


قال شيخ الإسلام ابن تيمية(728هـ) ـ رحمه الله تعالى ـ:(والصبر واجب باتفاق العلماء)(6).
قال ابن القيم (ت751هـ) ـ رحمه الله تعالى ـ:( والصبر واجب بإجماع الأمة، وهو نصف الإيمان، فإن الإيمان نصفان: نصف صبر، ونصف شكر)
Samirka waxaa lagu helaa janno iyo raali ahaanshaha Allaah, aan samirka kaashano, yeysan gaalo na seejin diinteena, aana is caawino insha'allaah.
قال الله تعالى: { جَنَّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا وَمَنْ صَلَحَ مِنْ آبَائِهِمْ وَأَزْوَاجِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ وَالمَلاَئِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ{23} سَلاَمٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ}


W/Q Warfaa Kheyrdoon
Email:[email protected]

Related Items