Dhageyso: Gabayga Caqiiddo Oo Uu Tiriyay Cabdullaahi Soomaali.

Monday November 13, 2017 - 18:17:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Gabayga Caqiiddo Oo Uu Tiriyay Cabdullaahi Soomaali.

    Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliya ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixiyay warkii dhowaan kasoo yeeray Farmaajo Madaxweynaha DFS ee ahaa in Maleeshiyaadka dowladdiisu aysan heysan Caqiiddo ay ku dagaallamaan!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliya ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixiyay warkii dhowaan kasoo yeeray Farmaajo Madaxweynaha DFS ee ahaa in Maleeshiyaadka dowladdiisu aysan heysan Caqiiddo ay ku dagaallamaan!.



Cabdullaahi Yaasiin Jaamac (Cabdullaahi Soomaali) oo kamid ah suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa tiriyay Gabay loogu magac daray Caqiiddo kaas oo uu diiraddan ku saarayo warkii Farmaajo.


Nimanyahow sidaan curanahaan cuufta gurayaaye,
Cirsan yeerku gooruu ciyaan caadka dhuganaaye,
Curdun gabayahaa igu cajalan oon cuf ula aalle,
Balaan curiya oo meeriyoo caynka ka higaadsho.


 
Cunsurii farmaajoow adaan caafimaad qabine,
Caa’iliyo sidii aad tihiin duul cashiira ahba,
Kufrigaa cirif dheer jira waxaad la coomaarto
Carrigaan aan joogniyo dhulkey culus inoo daaqdo,
Coomaadaha sidiisii adaa caal soo lulaye,
Kuwii ceyr ku sii jiray iyo calalla feereysan,
Yaa cawaaqibkaa lumiyayoo kagu ciyaareene
Camiilow adaa meel cakirin cood ka dayaaye,
Adoo cowski loo jeedaba caarad waran mooda,
Halkaad calaf u soo doontay waa cirid kuleyl weyne,
Hadaad caga gubyoonee sidaad ciidan hogaamin?
Ama caaradkuu wedi ileyn waad cidoodiyi’e?

Su’aalahaa culuumbay sidaan aad cibir weyne,
Hayeeshee ra’yi coonku waa ku cuqdadoobaaye,
ha caburo cantalyaagu waa ehel caloolyow’e.

Ninka ceel ku sii dhacahayee cabashadii yeeri
Ee cirkaa inuu marmahayo ku calwasaadaaye,
Caalle iyo inuu nacas yahuu caaqil garayaaye,
Weligii calmaaniga ayaan caymasho lahayne,
Qoladuu u caynaan hayaa waa cadibantaaye,
candha maran canug aadayaan caano ku arkeyne,
Kuwi shalayto kuu calan luxee ciira kicinaayay,
Iney maanta kaa caajiseen caalamku ogaaye,
ceeryaamada intii roob lahayd cabe xareedeedi.

intaasi cigaalkuu xiroo caynka u adkeeye,
cutub kalena waa marinayaa cowra helow,e,
Fikradaha ciniinkaa dadbaa lagu calaaleeye,
Maskaxdiisu kay cilintahaa lagu cubaayaaye,
Cuduraduu ka qaadee xunuu caac la dhahaaye,
Cashi baana goortaa ka dhalan caabuq iyo hooge,
Calaamadaha gaalnimo adoo caawda kula jiifa,
Dimuquraadinuu culan hayoo nagu caraadaaye,
Muslinimo carrabkaa inaad ciirsi badi haatan,
ood laba codleysaahu waa kuu cawaanimo’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

Ninka cudud shisheeye noqdaan kuu cabirayaaye,
Cunna iyo sigaar xil buu caashaq u hayaaye,
Cammar iyo ayaxaba ka daran aan citimiheyne,
Calooshiisu may buuxsantee wayska cunayaaye,
Cizi iyo sharaf uma bukee waa ka cararaaye,
Wixi ceeba oo idili waa camaladiisiye,
Ciqaab iyo cabiid kama baxoo amase ciishoode,
Gaaladow cadaan iyo madow caabudaha hayaaye,
Carmal iyo cajuusiyo middii caawa la aroosay,
Tii calool ku soo qaadayee caana ugu deeqday,
Iyo cadar walaashii ahoo sidi cillaan miida,
Hablihii u caawiyi lahaa caadi ugu geeye,
Cabaadkoodu wow farax iyo iney cataabaane,
Ficilada calaanyada iyo caalir dhalinaaye
Cimrigii go’ waa lagu yaqaan caada qaadaha’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

cadaabtuu gelaayaa qofkii caasi noqodaaye,
Xuural ceyn cishqigeed ragbuu caawo gubayaaye,
Cibaadada jihaadkey si dhaba ugu cagaagaane,
Aduunkaa cariiri la e iyo culeysweyne,
Janadii caziizkey rabaan inay ka ceeshaane,
Caadilkey ninkii magan galaa cudud sareeyaaye,
Asigaan la caabiyi kareyn oo cartamayaaye,
Sida aar carun iyo wuxuu calalsha doonaaya,
Oo soo ciyaayaa nafluu uga cabsoodaaye
Shareecada midkii ciid dhigaa ama cilleynaaya,
Gumeysiga umuu ceegsanee weyska celiyaaye
Intow qori cabeystuu dagaal ugu carraabaaye,
ninki loo cimaamaday inuu cunaha kaa gooyo,
in codkaadu uu weeciyoo adiga kaa caagi,
cindi gaab hadaad tahay,naflaa waad u curisaaye,
Alshbaab caw caw kama didaan lagu cabeebtaaye,
Ceesaantii shabeel doonataa lagu casheeyaaye,
show belaad cantuugtee adoo cirid dameeraadle,
calyadaad tufeysaa dibbey kuu carqaladeyne,
caaneheeda waad dhami iyaga oo car iyo dhiigle,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

Waxaa Tiriyay Cabdulaahi Soomaali

Related Items