XOGTA iyo Kaalinta ay ku leedahay dagaalka dalka Ka socda W/Q Hilaal Colaad.

Wednesday March 13, 2019 - 06:50:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    XOGTA iyo Kaalinta ay ku leedahay dagaalka dalka Ka socda W/Q Hilaal Colaad.

    Sida caadiga ah dadku way ku kala duwanyihiin fekerka iyo araa'da, Waxaana sabab looga dhigi karaa xogta ay helaan taasi oo go'aamineysa fahamkooda ku aaddan shey cayiman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida caadiga ah dadku way ku kala duwanyihiin fekerka iyo araa'da, Waxaana sabab looga dhigi karaa xogta ay helaan taasi oo go'aamineysa fahamkooda ku aaddan shey cayiman.



Hadaba qormadaan waxaan kaga faloonayaa sameeynta ay xogtu ku leedahay fekerka, caqliga iyo xagasha aan wax aragno iyo sida uu cadawgu dadka ugu qanciyo mabadi'diisa ugu dambeyna u noqdaan dad diintoodi uga tanaasulay la shaqeynta cadawga iyagoo aan ku baraarugsaneyn.

Waxay ahayd horraantii sanadkaan markii aan sheeko dheer wada yeelanay wiil dhalinyaro mufakir ah kaasi oo ka qalin jabiyay kuliyada Maamulka iyo Maareynta mid kamid ah jaamacadaha ugu magaca dheer magaalada Muqdishu kolkaas oo aan wada gorfeynay mowduuc ku aaddan xasaradaha dalka ka taagan gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo AMISOM.



 

Gorfeyn dheer kadib waxaan soo taaabanay meel aan ku tilmaami karo " Halka surtu ka qurun santahay " , Waxaa suurta gal ah in aad ila yaabto haddaan ku dhoho ' sababta dagaalku waa xog qaldan oo laga dhaadhiciyay qeyb kamid ah bulshada. '

Si ka duwan sida warbaahintu ku celceliso ma jirto cid si gaara bahala u ah oo dooneysa in ay ka taqalusto dhammaan dadkaan Waxaa uu dagaalkaani salka ku hayaa kala duwnaanshaha fahamka iyo aragtida.

Haddaan iraahdo " Aragtida Al-Shabaab waxay ku dhisantahay soo gaban gabeynta nidaamyadii is xigxigay ee aan Islaamiga aheyn ee dalkaan soo maamulay iyo kusoo dabbaalida maamul Islaami ah Halka maamulka Villa Somalia iyo kuwa hoostaga eey arkaan siyaasad dhexe oo caalamka la socon kart kana madax banaan diin", Waxaa suurta gal ah in aysan kuu muuqan aragtidaas hadaba maxaa diidaya in ay jirto xog qaldan.!!.

Qormadeydaan waxaan aas aas uga dhigayaa laba qodob, si aan idiin tusiyo in sababta dagaalku tahay xog qaldantay, labadaas qodob waxay kala yihiin Waxbarashada iyo Warbaahinta.

Waxbarashada

Ugu horreyn waxaa muhiim ah in aan isla garanno waxa maxay xog? Maskaxdaadu si ay go'aan u gaarto waxay u baahantahay xog ku aaddan mowduuca aad ka fakareyso Natiijada soo bexaysaa waxay ku xirantahay xogta aad heysato Waxbarashadu waxay kamid tahay qaababka lagu helo xogta.

 

Hadaba waxaan soo qaadaneynaa tusaalle si aan u muujino sameynta waxbarashada, Wiilka Soomaaliga ah ee lagu kusoo waxbaray iskuullada lagu darso Manhajka UNESCO iyo kan kasoo qalin jabiyay macaahida sharciga ah ee kuyaalla wilaayaatka islaamiga ah ama gobollada shareecada lagu maamulo isku si miyey u fikirayaan?, isku xog miyay heystaan? Jawaabtu waa MAYA!!!.

Sidaan hore usoo sheegay waxbarashadu waa xog balse waxaan nahay ummad uu cadawgeedu xogta siiyo, Waxbarashadu waa waxa ku iftiiminaya sida aad nolosha u wajihi lahayd, qaabkaad u fikiri lahayd, cadawgaaga iyo saxiibkaaga, iyo dadkaad tusaalaha ka dhigan lahayd.

Halkaan waxaa noogasoo daahiray Borofasoor, siyaasi, iyo macallin dhammaan xog qaldan heysta. waana sababta keeneysa inaad aragto rag lagu sheegayo Professaro oo ku hadaaqaya " Niman naga caqli badan; Mareykan ayaa kala sooceen diinta iyo dowlada." Xubnahaas kala duwan ee xumbaarsan xogta qaldan waxay jaahil ka yihiin diinta waxayna isku dayayaan in waxa ay xambaarsanyihiin ay ku dabaqaan bulshadeena.

Dowr ama kaalin intaas la eg ayey waxbarashada oo qaldanta ka ciyaareysaa dagaalka dalka socda, waxeeyna cadawga siineysaa dad ku fikir ah oo ka marin habaawsan dhabaha toosan Kuwaas ayuu isaguna u adeegsanaa in uu ku xaqiijiyo ahdaaftiisa guracan.

Qofka uu Allah doortay, kuna daray kuwa xaqqa fahmay waxaa uu ku dhimanayaa waddo toosan, intuu noolyahay wuxuu dhadhansanayaa macaanka Imaanka, wuxuu cunayaa qaniimada oo ah xoolaha ugu xalaal san wax lacuno waxaana loo dilayaa Allah dartiis, hadduu nooladana waa uu guuleysanaa, wuxuu furanayaa dhulka, Muslimiinta ayaana noqonaya cidda adduunka hogaamisa, dhulka Muslimiinta ayaa sidoo kale noqonaya halka loo soo haajiro." Aragtidaas saxiixa ah ma arko qofka xogta qaldan heysta.

Waxaa nasiib darro ah in waalidiin badan ay subax walbaa Ilmahooda u dareeriyaan goobo wax barasho oo lagu darso manaahij aan aakhiro iyo aduunba anfac lahayn, dadkana ka dhigeysa kuwa u ceynsan Reer Galbeedka iyo afkaartooda.

     Warbaahinta

Markii aad booqato bogga Al-Jazeera la yaab maleh inaad aragto qodob aad u xasaasi ah oo ka dhan dowladaha sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo dhamaantoodba ah wadamada ay xiisaddu kala dhaxeyso Qatar.

Layaab maleh markii aad booqato boga RT inaad aragto qodobo xasaasi ah oo ka dhan ah mareykanka iyo Yurub, Layaab maleh markii aad booqato bogaga warbaahinta Kenya inaad aragto war caqligaagu uusan suuraysanayn oo ka dhan ah Al-Shabaab Sidaas ayeyna qolo walbaa isugu dayeysaa in ay aqristayaasheeda ku qanciso xog ka dhan ah cadawgeeda.

Warbaahintu waa il xooggan oo ay dadku xogta ka qaataan waxaana dhacda in si fudud loo marin habaabin karo, Muddo ka badan nus qarni ayay warbaahinta gumeystuhu noo sheegeysaa xog qaldan iyo xagasha uu asaga wax ka arko bal Arag BBC iyo VAO oo isku dayaya in ay bulshada wax ka tusaan halka ay wax ka arkaan, Halkaan mushkiladdu ma ahan jiritaanka xogta balse waa sida wixii dhacay loo tabinayo.

Haddaba waxaa nahay bulsho xaqiiqada iyo xogta ka raadsata cadawgooda Waxaa la yaab leh in ay yihiin kuwa loogu kalsoonida badanyahay, Sababtoo ah warbaahinta guduhu waa qowleysato "fadlan lacaga ku shuba " ah oo aan lahayn mabada' iyo hadaf toona marka laga reebo warbaahinta islaamiga ah.

"Warbaahintu waa mihnadda ugu awooda badan caalamka waxay awood u leedahay in kuwa aan wax dambi ah lahayn ay ka dhigto dambiilayaal, dambiilayaashana ay ka dhigto kuwa aan danbi lahayn, taasina waa awood maxaa yeelay waxay hagaan cuquusha dad weynaha. " Hadalkaan qiimaha badan waxaa yiri halgamaagii Muslimka ahaa ee Malcolm X.

Cadawgu siduu noo duleystay waxa aad ka arki kartaa; wuxuu bulshadii cadaw u tusiyay wiilasheedii Mujahideenta ahaa ee u dagaalamayay xuriyadooda, wuxuu saxiib iyo gurmad xuriyad doon ah u tusiyay shisheeyihii boobka inoogu yimid wuxuu dowlad iyo maamulkeenii nooga dhigay qowleysato uu isagu soo diyaarsaday.

Ugu dambeyn sida aan kor kaga falooday fahamka iyo aragtida qaldan waxaa keena xogta qaldan, Xogta qaldana waa waxa u diidaya dadka ku jira safka cadawga in ay xaqqa fahmaan kuna dhiiradaan in ay isaga soo tagaan.

Waxaa muhiima inaan labadaas meel indhaha ku haynno si aan u suulino afkaarta gurracan ee cadawga, Shisheeyuhu dalkaan kamasii dagaalami karo haddii uusan helin dad ku mabda' ah oo isaga raacsan.


W/Q Hilaal Colaad
Qoraa Madax banaan

Related Items