Sawirro+Warbixin: Saraakiil Muhiim ahaa oo dowladda Federaalka looga dilay Qaraxii ka dhacay Wadada Makka.

Thursday March 28, 2019 - 17:30:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Warbixin: Saraakiil Muhiim ahaa oo dowladda Federaalka looga dilay Qaraxii ka dhacay Wadada Makka.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay isgoyska Dabka ee wadada Makka Al Mukarrama magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay isgoyska Dabka ee wadada Makka Al Mukarrama magaalada Muqdisho.



Saraakiil katirsan dowladda Federaalka iyo xildhibaanno horay uga tirsanaa Baarlamaanka dowladda ayaa dhimasho iyo dhaawacyo ku noqday qaraxii aadka uxooganaa ee maanta ka dhacay isgoyska Dabka.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa caawa baahisay magacyada qaar kamid ah saraakiishii ku dhintay qaraxii maanta iyo kuwii ku dhaawacay sidoo kale wasaarado katirsan dowladda ayaa baraha bulshada tacsi umariyay ehellada howlwadeennadii looga dilay qaraxii maanta.


 

Hoos ka akhri magacyada saraakiishii dhintay iyo kuwii dhaawacmay

 

1-C/Qaadir Xasan Cabdi wuxuu ahaa xildhibaan katirsan dowladdii Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku dhintay qaraxa

2-nin lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah waziirka xanaanada xoolaha ee maamulka Ashahaada la dirirka ee HiirShabelle – Murtadkan waa dhaawac

3-Nin lagu magacaabo Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Xukuumadii Shariif Murtad – Murtadkan isaguna waa dhaawac, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu soo dadajiyo hallaagiisa.

4-Cali Cadde oo ahaa Sgaasime wazaaradeed wuxuu ku dhintay qaraxa

5-Maxamed Deeq oo isna ahaa Agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaarada Kalluumeysiga – wuxuu ku dhaawacmay qaraxa

6-Guulleed waa sarkaal katirsan ciidamada Booliska dowladda wuxuu ku dhaawacmay qaraxa

7-C/Risaaq Gaadaco wuxuu ka shaqeynayay Xafiiska Xasan Cali kheyre wuxuu ku dhintay qaraxa

8-Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi Gaab oo ah Sarkaal ka tirsan Maxkamada gobolka Banaadir dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxa

9-Nin magaciisa lagu soo koobay C/Fataax oo ahaa xubin ka tirsanaa wazaarada Dastuurka wuxuu ku dhintay qaraxa

10-Xuseen Mursal wuxuu ahaa sarkaal katirsanaa Maxkamadda melleteriga dowladda qaraxa ayuu ku dhintay

11-Maxamed Nageeye wuxuu katirsanaa maamulka gobolka Banaadir qaraxa ayuu ku dhintay

12-Cawil Yuusuf Xasan wuxuu katirsanaa Wasaaradda Waxbarashada wuxuu ku dhintay qaraxii maanta

13-Ibraahim C/Raxmaan wuxuu katirsanaa Wasaaradda Dastuurka wuxuuna ku dhintay qaraxa

Hoos Ka Daawo Sawirradda dadka la aqoonsaday ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxii maanta





Related Items