inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaa ka curtay Roobabka Xilliga Guga kadib Jiilaal dheer oo lasoo maray.
Roobab Mahiiggaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah iyo sidoo kale burbur hantiyadeed.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelhareeri ee hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in roobab shalay halkaas ka da'ay ay ku dhimatay qof dumar ah halka dhaawac uu kasoo gaaray Afar carruur ah.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Biriqda Roobka ay haleeshay qoys deganaa duleedka Ceelhareeri, maamulka islaamiga degmada Galcad ayaa gurmad ufidyay dadka ku waxyeeloobay Biriqda Roobka.
Dhinaca kale roobab saacado badan da'ayay ayaa lagasoo sheegayaa degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Hiiraan, Roobabka oo muddo saacada ah qaatay waxay wateen dabeyllo xooggan kuwaas oo burburiyay guryo dad degannyihiin iyo Goobo ganacsi.
Wariye ku sugan Hiiraan ayaa soo sheegay in Bariga iyo galbeedka gobolka laga roobsaday, Dabeysha roobka ayaa xididda siibtay geedaha sidoo kale waxay dabeyshu jebisay anteennada mid kamida shirkadaha isgaarsiinta ee kajira gobolka Hiiraan.
Sawirro: Dad Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Roobab ka Da'ay Bartamaha Soomaaliya.
inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaa ka curtay Roobabka Xilliga Guga kadib Jiilaal dheer oo lasoo maray.