Qormadan waxaan doonayaa inaan si kooban ugu milicsado nooca wadaniyaddiisa anigoo ka dheeraanaya fakarkeyga balse ku miisaamaya ama halbeeg ka dhiganaya macluumaadyo iyo barbardhig aan ku sameynayo isaga iyo madax kale oo caan ah.
FARMAAJO IYO NETANYAHU KEE MUWAADINSAN?
Haddii aad wadato Baasaboorka Mareykanka adigoo dalkaagii asalka ahaa madax ka ah waxaad ku khasbanaaneysaa go’aanada masiiriga ah ee aad qaadanayso inaad ku war galiso xukuumadda Washinton.Farmaajo wuxuu qaaday dhabbe ka duwan kan Netanyahu, wuxuuna go’aansaday inuu sii ahaado muwaadin Mareykan ah sababtoo waa nin abuurka Soomaaliyeed ka anfi taagaya oo ajuurada kufriga ugu adeegaaya.
Saasoo ay tahay isaga qudhiisa ayay ciriiri iyo caqabad ku heysaa dhalashadaas uu heysto illeen waa qof muwaadin ah oo uu qabanayo sharciga Mareykanka kaasoo dowladda Trump u diri karto shaqadii ay doonto, haddii ay muwaadiniin soo dacweystaanna dalkaasi lagu maxkamadayn karo. Intaa waxaa u dheer inuusan tagi karin Mareykanka isagoo ku magacaaban madaxweynaha Soomaaliya, sababtuna waxa weeye looma qaabilayo sida madaxweyne dal kale ee waxaa loo qaabilayaa sida muwaadin Mareykan ah oo kale, waana midda keentay in uu shirarka dalkaa ka dhacaya ka baaqsado una diro ra’iisulwasaaraha Norwejiyaanka ah ee Xassan Cali Kheyrre.
Haddaba kee muwaadinsan Farmaajo iyo Netanyahu? Jawaabta adigan akhristaha ah ayaan kuu daayay!!.
FARMAAJO IYO XAMIID KARAZAAY KEE MUWAADINSAN?
Xamiir Karazaay oo ahaa Madaxweynihii maqaar-saarka ee dalka Afganistaan wuxuu ahaa nin sida Farmaajo oo kale muddo ku noolaa Mareykanka, balse markii laga dhigay madaxweynaha xukuumadda Kabul, wuxuu qaaday dhabbaha ra’iisulwasaaraha Yahuudda.(Digaagu wasakhda wuu cunaa, laakin wuxuu is dheer yahay af-tirashada) Karazaay isagoo ahaa nin liita oo dabadhilif ah ayuu haddana iska dhigay dhalashadii Mareykanka maadaama uusan kulmin karin danaha iyo siyaasadda laba dal. Karazaay ma ahan nin wadani ah ah laakin inuu Baasaboorka Mareykanka dhigo waxaa ku khasbay reer Afganistaan oo ah dad anafo leh oo aanan qaadan gumeysiga.
Farmaajo wuxuu nasiib u yeeshay afar dekedood oo Soomaaliya leedahay inuu wax ka yar laba saacadood ugu saxiixo ra’iisulwasaaraha Itoobiya, dadkuna ay u hogtaan, walina uu soo hor istaagayo isagoo madaxweyne sheeganaya!! Haddii ay Soomaalidu ahaan lahaayeen sida reer Afganistaan, Farmaajo ayaa ugu yaraan ku khasbanaan lahaa inuusan beecin dalka iyo kheyraadkiisa, sida Karazaayna uu iska dhigo dhalashada Mareykanka.Ashraf Ghani oo isna hadda madaxweyne ka ah dalka Afganistaan ayaa iska celiyay dhalashadii uu heystay ee dalkaasi Mareykanka.
Haddaba kee muwaadinsan Farmaajo iyo Ashraf Ghani, iyo Farmaayo iyo Karazaay? Jawaabta adigan akhristaha ah ayaan kuu daayay!!.
FARMAAJI IYO BARHAM AX’ED KEE MUWAADINSAN?
Haddaba kee baa muwaadinsan laba kaarre Farmaajo iyo Barham Axmad? Jawaabta adigan akhristaha ah ayaan kuu daayay!!Dhab ahaantii Farmaajo waa wadani Mareykan ah oo caalamka tusiyay heerka ay gaarsiisan tahay daacadnimada uu u hayo oo la dhihi karo waa %100.
Sannadkii 2011, markii la magacaabay ka dib, goor uu tahay mgaaladii uu Mareykanka ka degganaa ee Newyork, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Buffalo, wuxuu ku sheegay in dagaalka ay xukuumaddiisu ka waday Muqdisho uu yahay mid lagu difaacayo shacabka Newyork!!.
Gunaanad
Qormadan waxaan kusoo af-jarayaa in ummaddu baraarugto oo ay anafo yeelato maadaama aysan jirin wax u dhowrsan, lana boobayo kheyraadkii dalka, dadkiina nolosha ciriiri ku tahay. Haddaaney Soomaalidu maanta is daba qaban waxaa dhici doonta in la shallaayo goor ay middi caloosha ku tagtay.
Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
WQ: Ust. Abuukar Birmad.
FG: Fikirka iyo qomadan ma ahan mid loo tiirin karo mareegtan Amiirnuur.com, ee waa mid uu mas’uuliyaddeeda leeyahay qoraagu.
Madaxweyne Farmaajo Waa Wadani WQ: Abuukar Birmad.
Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Wuxuu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1962-dii, saddax sano oo qura ayaana uga harsan da'da 60 sano jirka. Waxaa markii ugu horreysay la bartay Bishii Octobar 14-keedii sanadki 2010-kii, goortaasoo loo magacaabay ra