Kulan dhawaan ka dhacay mid kamid ah xeryaha ciidamada shisheeye ee Shabeelaha Hoose islamarkaana dhex maray saraakiil ajaanib ah oo Afrikaan iyo caddaan isugu jira iyo kuwa Soomaali ah ayaa waxaa looga hadlay culeys ciidan la'aaneed oo ka jira degaanada ay heystaan ee gobolka.
Ciidamada shisheeye ee heysta Bariire, Marko iyo Sabiid, ma heystaan xorriyad dhaqdhaqaaq iyo xaalad degganaansho maadaama ay godad iyo dhufeysyo ku jiraan mar walbana la weeraro, sidaa darteed ayay saraakiisha Amisom iyo kuwa caddaanka ahuba soo hindiseen kulankan oo muhiimaddiisu ahayd in la go’aamiyo sidii ciidan Bolis ah lagu sameyn lahaa.
Maamulka Sh/hoose ku magacaaban wuxuu marar badan isku dayay inuu ciidamo ka qoro degaanada gobolka, hase ahaatee dadka reer Shabeelaha Hoose oo u badan beeraley, dabeecad ahaanna lagu yaqaano iney iska ilaaliyaan wixii halis ku ah diintooda iyo nafsaddooda ayuu ka heli waayay wax askar ah marka laga reebo 12 nin uu hadda tababar u socdo kuwaasoo loo diyaarinayo sidii ay usoo tashkiilin lahaayeen afar boqol oo qof oo Bolis laga dhigo.
Tan micnaheedu wuxuu yahay in ciidamada shisheeye ay helaan askar difaac u ah oo hadduu weerar dhoco iyaga uun la dilo, dhanka kalana bulshada u handada.
Go’aanka waxaa soo saaray Makasi Weljakanburu oo ah Kaaliyaha Boliska Taliyaha Amisom wuxuuna ku socday gudoomiyaha Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax iyo Wasiirka Amniga ee K/Galbeed Isaaq Cali.
"Waxaan maanta tababareynaa 12 xubnood oo soo xulaya dadka la askareynayo ee ka hawl galaya Shabeelada Hoose waxaan rajeeneynaa in diiwaan galintooda ay dhammeeyaan 30-ka bishan June, laba todobaadna ay kusoo uruuriyaan hawshooda guud iyagoo geynaya 15 July. Waxaana hawlaha tababarkoodu uu billaabanayaa 15 julaay ee sannadkan 2019, waxaan tababari doonnaa 400 askari, markey dhammeystaanna waxay ka hawl galayaan degaanada aan heysanno ee Shabeelaha Hoose oo ay ka jirto baahi badan oo dhanka ciidanka Boliska ah” sidaasi waxaa yiri’ kaaliyaha taliyaha Boliska ee Amisom.
Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay Wasiirka Amniga ee K/Galbeed Isaaq Cali oo sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankan.
Mareykankan iyo shisheeyaha kale ee Afrikaanka ah ayaa ku fashilmay iney ciidamo carra tuur ah ka helaan gobolka Shabeelaha Hoose waana midda soo dadajisay shirkan.
Dhanka kale, taliska Mareykanka ee heysta Ballodoogle iyo Nambar 50, ayaa wada ol’ole ay si xoog ama khasab ah dadka ugu askareynayaan iyagoo kula dhaqma hab aad fool xun oo ay ku doonayaan iney gunnimada ku layliyaan.
Laba habeen ka hor waxay ciidamada Bankaraf ee Mareykanka ku duuleen tuulada Busley oo hoos tagta degmada Jannaale, halkaasoo ay kasoo af duubteen in ka badan 10 qof oo markaa ku hawlanaa jaridda iyo nidaaminta Muus usoo go’ay oo ay doonayeen in loo iib geeyo meelo kala duwan.
Markii ay gaareen degaanka Ceelwareegow waxay dadkii u kala sooceen dhallinyaro iyo odayaal ka dib-na waxay soo sii daayeen odayaashii waxayna horey usii kaxaysteen dhallinyaro sagaal gaareysa.
Usbuucii lasoo dhaafay horraantiisiina waxay dad kale kasoo afduubteen tuulo hoos tagta degaanka Jameeco Jiliyaale. Haddaba ciidamadan ayaa u muuqda kuwa hadafkoodu yahay iney dadka beeraleyda iyo xoolaleyda ka dhigaan wax barakaca oo iska xaadiriya xeryaha qaxootiga iyo qaar xoog lagu askareeyo. Laakin dadka aqoonyahanka ah ayaa waxay sheegayaan in ficilladan ay keeni karaan iney dadku wada bartaan cadaawadda shisheeyaha, dantana ku khasabto iney dagaalka dhankooda ka galaan marba haddaaney shacabnimada ku badbaadeyn.
Xigasho: Radio Alfurqaan
Sawirro+Warbixin: Shisheeyaha AMISOM Oo Sh/Hoose Ka Raadinaya Dad Ay Xoog Ku Askareeyaan.
Kulan dhawaan ka dhacay mid kamid ah xeryaha ciidamada shisheeye ee Shabeelaha Hoose islamarkaana dhex maray saraakiil ajaanib ah oo Afrikaan iyo caddaan isugu jira iyo kuwa Soomaali ah ayaa waxaa looga hadlay culeys ciidan la'aaneed oo ka jira