Duqeyntan oo ka dhacday meel u dhow degaanka Kuunyo-Barrow ayaa waxay diyaaraduhu ku beegsadeen Aboow Cali Waardiyoow oo ahaa nin ganacsade ah oo leh xoolo iyo beero, sidoo kalana ku shaqeysta gaari uu isagu leeyahay.
Illaa sadax gantaal ayay ku dhufteen xilli uu ka baxay Kuunyo Barrow kuna sii jeeday degaankiisa Arabow oo uu markii hore kasoo qaaday dad bukaan ah si loogu daweeyo isbitalka guud ee Kuunyo oo lacag la’aan dadka wax ugu qabta.
Aboow oo ay Mareykanku ku dileen meel 18km u jirta Kuunyo ayaa sadax cad u kala go’ay sida ay indhahooda kusoo arkeen qaar kamid ah saxafiyiinta oo maanta ku booqday qolka meydadka ee isbitalka.
Madaxiisa oo gooni u go’ay ayaa waxaa lagu siday maro, gacmuhu gaar bey u burbureen iyagu, halka jirka intiisa kale oo shabaq (dul-duleel) ahaa.
Kontomeeyo qof oo ka timid degaanka Arabow oo uu kamid yahay Aabihiis iyo dad kale degaankan ka raacay ayaa ka qeyb galay aaskiisa. Ehellada ayaa ahaa kuwa aad u careysan oo si kulul u eedeynayay Mareykanka.
"Wiilkeena Shabaab ma eheen, wuxuu ahaay ganacsade, baabuurkiisana wuu ku shaqeysanaayay, abidkiis Mareykan ma tagin deen maka qabni, dhulkiis ma joogni wuxuuna wiilkeena ku gumaaday dulmi cad, waxaana u fahamnay inuusan qola gaar u soconin ee uu u socdo qof kasto oo muslim eh” sidaasi waxaa yiri’ qar kamid ah adeerada Aboow oo ilmeynaya.
Aboow, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo u dhaxeeya da’da sodonka iyo afartanka wuxuuna ifka kaga tagay 11 caruur ah iyo sadax xaas kuwaasoo labo kamid ah ay xaamilo yihiin. Dadka degaanka Arabow ayaa iyaguna aad u ga murgay geerida Aboow maadaama uu ahaa ganacsade firfircoon oo ay illaa yaraantiisii garanayeen.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa si joogto ah u beegsada dadka shacabka ah, waxaana ugu dambeeyay weeraro ay ka fuliyeen degaano hoos taga Afgooye iyo Tooratoorow oo ay ku dileen afar qof oo shacab ah. Sidoo kale degaanka Kuunyo Barrow ayaa waxay laba bilood ka hor ku dileen 2 ruux oo shacab ah oo ay ku jirtay gabar dhallaan ah oo jirtay 20 maalmood.
Xusuusta dadka waxaan wali ka go’in duqeyntii Bariire oo uu Mareykanku ku dilay 11 beeraley ah oo ay caruur kamid ahaayeen iyadoo C/raxmaan Yariisow oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee xilligaas uu guul ka dhigtay dhibka soo gaaray maatida kuna sheegay iney Shabaab ahaayeen.
Halkan ka degso Ehellada ganacsadaha ladilay ama hoos ka dhageyso
Hoos ka Daawo sawirrada
Sawirro+Codad : Diyaaradaha Mareykanka oo ganacsade caan ah ku dilay duleedka degmada Kuunyo Barroow ee Sh/Hoose.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen degaanka tirsan Shabeelaha Hoose shalay abbaaro 05:00 (Shantii galabnimo)