Hogaamiyaha cunsuriga dowladda Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha dowladda shuuciyadda kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ayaa kulan toos ah qaatay.
Labadan hoggaamiye ayuu kulankoodu ka dhacay xuduudda kala qeybisa labada Kuuriya gaar ahaan goobta hubka ka caagan ee la hirgeliyay sanaddii 1953.
Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa isku gacan qaaday tuulada Ban Mun Gome oo dhowr boqol oo mitir ujirta Kuuriyada Waqooyi.
Muuqaal si toos ah looga tabinayay Telefeshinada ayaa muujinayay Trump oo ku lugaynaya gudaha wadanka Kuuriyada Waqooyi waana markii ugu horraysay oo madaxweyne Mareykan ah uu gomodihiisa dhigo dhulka Kuuriyada Waqooyi.
Kim Jong-un ayaa ku baaqay in Mareykanku iska hilmaamo wixii hore islamarkaana uu bog cusub ufuro xiriirka labada dowladood udhaxeeya, xukuumadda Washington ayaa isku dayaysa in Pyongyang ay hubka dhigis ku sameyso.
Laba jeer oo labadan madaxweyne ay horay ukulmeen kamasoo bixin wax natiija ah oo lataaban karo marka laga reebo in Trump uu waxqabadkiisa ku darsaday lakulmidda Kim Jong-un.
Donald Trump iyo Kim Jong-un oo Kulan ku yeeshay Xuduudda Waqooyiga Kuuriya.
Hogaamiyaha cunsuriga dowladda Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha dowladda shuuciyadda kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ayaa kulan toos ah qaatay.