Maxamad Qanyare waxaa aas qaran loogu sameeyay degmada Dayniile i ee magaalada Muqdisho iyadoo meydkiisa ladul saaray maro buluug ah waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin iyo qabqablayaal ay saaxiibo wada ahaayeen muddo dheer iyo kuwa ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho.
Dadkii sida gaarka ugu tacsiyeeyay waxaa kamid ahaa C/Nuurre Siyaad (C/waal) Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage Shiiraar oo ay ka wada mid ahaayeen isbahaysigii la magac baxay (La dagaalanka Argagixisada) waxaana xusdib mudan in uusan marnaba midkood sheegin in isbahaysigaasi ay ku wada jireen hawllo badanna isla qabteen.
Waxaan si gaar ah u daawaday hadalkii uu Muuse Suudi ka jeediyay aaskii Qanyare wuxuuna ku gaabsaday oo kaliya in ay isku barteen Nairobi. Markaas kadib ayaa waxaa ii soo baxday xikmadda ku jirta arrintaas. Waxaan is iri waa hal mid oo kaliya iyagoo og in bulshadu garaad ahaan u kortay islamarkaana aanan halyey looga dhigi karin dadkii qandaraaska kusoo qaatay in ay culimada iibsadaan qaarna dilaan.
Hogaamiye kooxeedyada waali baaqiga ah waxaa la gudboon oo aan shaqsi ahaan kula talin lahaa iney Alle u towbad keenaan ummadana ay cafis weydiistaan marba haddey maanta xaaladdoodu mareyso in ay ka yaqyaqsoodaan amaba aaney ku faani karin isbahaysigii ay shalay ku wada jireen.
Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya soo maray ee geeriyooday waxaa ugu caansan Cabdullaahi Yuusuf Axmad oo Madaxweyne noqday, Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamad Dheere) Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamad Qanyare Afrax, waxaana jirta in dhammaan aaskooda ay ka qeyb galeen gaalo isugu jirta caddaan iyo madoow.
Cabdullaahi Yuusuf waxaa janaasadiisa xaadiray Mahiga oo ahaa ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya halka qanyare oo u dambeeyay ay ka qeyb galeen ciidamo iyo saraakiil Amisom ah. Masiirka dambe ee qofka wax yaabaha lagu qiimeeyo waxaa kamid ah dadka aaskiisa ka qeyb galaya noocooda sida ku cad xadiith laga wariyay Nabiga SCW.
Ugu dambayn waxaan oran lahaa tani waxay waano ugu sugan tahay ragga maanta dowladnimada sheeganaya ee ee beesha caalamka qandaraaska uga soo qaatay mashruuca waxa loogu yeeray (La dagaalanka argagixisada) raggaas waxaan leeyahay haddii uu gaal kula socdo oo uu hawlahaaga kula wadaagayo inta aad caafimaadka qabto, oo markaad xanuunsato gaal kaa murugeysani kusoo kor istaago, oo markey naftu kaa baxdana qabrigaaga tago ama janaaso kugu dukado, ma is leedahay wuu kaa difaaci karaa su’aalaha qabriga? ma ku mootin karaa siraadka? markaad Alle hortiisa tagto muxuu kuu qaban karaa?
Qof walba oo maanta shisheeyaha ku jaal ah dhabtii waano ayaa ugu sugan sheekadan.
WQ: Ciise Bargaan
FG: Xuquuqda qoraalka waa mid u gaar ah qoraaga loomana tiirin karo shabakadda Amiirnuur.com
Hadalkii Muuse Suudi Uu Ka Jeediyay Aaskii Qanyare Xikmad Baa Ku Qarsoonayd. WQ/ Ciise Bargaan.
Geeridu waa mid lama huraan ah oo qof walba sugeysa ruux kastana wuxuu leeyahay wixii uu hor marsado kheyr iyo shar intaba. Dhawaan waxaa geeriyooday Maxamad Qanyare Afrax oo kamid ahaa siyaasiyiintii Muqdisho kaas oo aan hadda u baahnayn saan is lee