Munaasbadda oo ay ka muuqatay in si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu caleema saaray Ugaas Abuukar Maxamed Daahir, waxaana ka soo qayb galay waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Jubnooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliyeed Ugaas Ibraahim Sheekh Cali Nuur (Shaacirul islaam) ugaas beeleedyo, nabadoonno iyo bulsho kale oo fara badan.
Intii xafladdu socotay waxaa laga sheekeeyay Taariikhda Beesha Eelaay waxaana Ugaaska cusub lagula dardaarmay in uu cadaaladda ku dadaalo beeshana ku hogaamiyo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Sunada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasallam.
Waaliga Jubbooyinka Sheekh Muxamed Abuu Cabdalla ayaa aakhirkii Munaasabadda waxa uu Ugaaska gudoonsiiyay calan uu dhaxda kaga qoran yahay Towxiidka, Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, Qori AK47 oo cusub iyo booshkiisa.
Ka soo qayb galayaasha ayaa lagu marti sooray, hilib isugu jiray geel, ari iyo digaag iyo raashink kale waxaana munaasbaddu ku soo geba gebowday jewi fraxad leh.
Xafladda ka hor iyo kadibba degaanka waxaa ka dhacay kulumo beesha Eeelaay yeelaneysay oo looga tashanayay aayaha beesha iyo sidii ay horumarkeeda aakhiro iyo keeda aduun uga shaqey lahayd. Beesha Eelaay ayaa degta dhowr gobol oo Soomaaliya kamid ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA
Beesha Eelaay Oo Ugaas Ku Dooratay Jubbooyinka (Sawirro).
Beeesha Eelaay qaybteeda Jubbooyinka degta ayaa dooratay isla markaana caleema saaratay Ugaas cusub kadib munaasabad ka dhacday Deegaanka Jawaarey oo hoostaga degmada Saakoow ee Wilaayada Jubbooyinka.