Mu'asasada AlKataa'ib garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay qeybtii 13aad ee silsilada Fasharid Bihim oo lagu soo bandhigayo weerarkii xoganaa ee lala beegsaday xildhibaanadii HiirShabelle ee ku socdaalayey wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.
Filimka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa weerar kale oo lagu qaaday maleeshiyaatka ku sugan koontaroolka Qalimoow ee duleedka Jowhar.
Inta filimku socdo waxaa lagu daawan karaan xoogaga Al Shabaab oo weerar dhabagal ah ku dilay xildhibaanno katirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle kuwaas oo kala ah Ismaaciil Muumin iyo Daahir Mukhtaar,waxaa sidoo kale weerarkaas lagu dilay ciidamo katirsan dowladda iyadoona Al Shabaab ay dagaalka ku qabsanayaan gaari dagaal oo qori dhashiike ah ku xiranyahay.
Sidoo kale Filimka waxaa lagusoo bandhigayaa weerar qorshaysan oo ciidamada Al Shabaab ay ku qaadayaan isbaaro maleeshiyaadka dowladda utiillay deegaanka Qalimoow ee dhaca duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Sawirro+ Video: Alkataa'ib Oo Filim kusoo bandhigtay Weerar lagu dilay Xildhibaanno iyo Askar katirsan Maamulka Hirshabelle.
Mu'asasada AlKataa'ib garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay qeybtii 13aad ee silsilada Fasharid Bihim oo lagu soo bandhigayo weerarkii xoganaa ee lala beegsaday xildhibaanadii HiirShabelle ee ku socdaalayey wadada u dhe