Sawirro: Odayaashii Xildhibaannada kasoo Xulay Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle oo degmada Buq Aqable lagusoo Bandhigay.

Saturday August 03, 2019 - 09:55:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Odayaashii Xildhibaannada kasoo Xulay Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle oo degmada Buq Aqable lagusoo Bandhigay.

    Waxaa soo gaba gaboobay kulan ballaaran oo dhax maray qaar kamid ah odayaashii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay kulan ballaaran oo dhax maray qaar kamid ah odayaashii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab.

Odayaashan oo towbadkeenayaal ahaa ayaa ka tagay deegaannada ay ka arrimiyaan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug waxayna gaareen wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca bartamaha Soomaaliya, kulamadan ayaa ka dhacay degmada Buq Aqabla ee gobolka Hiiraan waxaana halkaas towbada loogu qabtay illaa 86 oday.

Mas'uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka qeyb galay kulamadii towbada loogu qabnayay Odayaasha waxaana kamid ahaa mas'uuliyiintaas Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah waaliga Sh/dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan Waaliga Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan Waaliga Mudug.

 

Al Shabaab waxay sheegtay in ay cafis u fidisay Odayaasha towbad keenay ee lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable, maamulka Hirshabelle waxaa ka yimid 53 Oday halka maamulka Galmudug ay ka yimideen 33 Oday dhaqameed oo dhammaantood kamid ahaa kuwii soo xulay Xildhibaannada baarlamaanka DF-ka ee dhanka labadan maamul goboleed lagasoo doortay.

Qaar kamid ah odayaashii lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable ayaa u mahad celiyay Xarakada Al Shabaab soo dhoweynta diirran ee ay usameysay waxayna ballan qaadeen in haddii ay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimideen ay dadka ku baraarujin doonaan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Odayaashan towbad keenay ee Al Shabaab cafiska ufidisay ayaa soo doortay xildhibaanno caan ah oo katirsan DF-ka.

Dhinaca kale wilaayaadka Islaamiga ah waxaa wali kusoo qulqulaya boqolaal kamid ah Ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka si ay uga faa'iideystaan 45-ta maalmood ee Al Shabaab ay ufidisay dhammaan kuwa ka qeyb qaatay soo xulista xildhibaannada.

















Related Items