Sawirro: Al Qaacidada Maali oo burburisay Kolonyo gaadiid ah oo uu lahaa Isbahaysiga Faransiiska.

Tuesday September 10, 2019 - 11:11:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Qaacidada Maali oo burburisay Kolonyo gaadiid ah oo uu lahaa Isbahaysiga Faransiiska.

    Xoogaga Jihaadiyiinta Al Qaacidda ayaa weeraro cusub oo khasaara badan lagu gaarsiiyay isbahaysiga Faransiiska ka fuliyay wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Jihaadiyiinta Al Qaacidda ayaa weeraro cusub oo khasaara badan lagu gaarsiiyay isbahaysiga Faransiiska ka fuliyay wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.



Wararka laga helayo wadanka Maali ayaa sheegaya in weerar cagmarin ah ay lakulantay Kolanyo ay la socdeen ciidamada Xukuumadda Maali xilli ay ku socdaalaysay Wadada isku xirta deegaanada Tesi iyo Ansongo ee bartamaha dalka Maali.

Xoogaga Jamaacada Jihaadiga ah ee ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ee Al Qaacidda ku xiran ayaa ku guuleystay in ay burburiyaan inta badan gaadiidkii ay wateen ciidamada Isbahaysiga Faransiisku hoggaamiyo ee duullaanka ku qaaday wadanka Maali.



Mu'asada Al Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ayaa baahisay sawirro muujinayay khasaaraha lixaadka leh ee ciidamada xukuumadda Maali lagu gaarsiiyay weerarkii ka dhacay wadada isku xirta deegaannada Tesi iyo Ansongo.

Al Qaacidada ka jihaadka Maali iyo dhulka Saxaraha qaaradda Afrika ayaa dagaal dhiig bixin ah ku haysa dowladaha ku bahoobay isbahaysiga G5 ee Faransiinku dhisay waana taxaaluf Melleteri oo loogu talagalay in uu kala gaabiyo muslimiinta mandiqadda.

Hoos ka Daawo Sawirrada gaadiidka lagu gubay Weerarka



Related Items