Sawirro+Codad: Al Shabaab oo Kumanaan kun oo dollar Zako ahaan ugu qeybisay qaar kamid ah masaakiinta magaalada Muqdisho.

Thursday September 12, 2019 - 07:10:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Al Shabaab oo Kumanaan kun oo dollar Zako ahaan ugu qeybisay qaar kamid ah masaakiinta magaalada Muqdisho.

    Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa soo gabagabaysay mashruuca qaybinta Zakada iyadoo boqolaal qoys ay ka faa'iideysteen mashruucaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa soo gabagabaysay mashruuca qaybinta Zakada iyadoo boqolaal qoys ay ka faa'iideysteen mashruucaasi.



Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo uu ka qaybgalay waaliga Wilaayada Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa waxaa lacago Zakawaat ah loogu qaybiyay 150 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Wilaayada Banaadir.

Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa ay nasiib u heleen lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondadii kaga soo aadday Zakadii ay Wilaayadu qaybinaysay.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo dadka ku dhaqan ay dhibaato dhan walba ah kala kulmayaan maamulka Farmaajo iyo shisheeyaha xoogga ku haysta ilaha dhaqaalaha caasimadda.



 

 

Dadkii masaakiinta ahaa ee ka faa'iideystay qaybinta Zakada ee uu sameeyay maamulka Wilaayada Banaadir ayaa dhankooda ka mahadceliyay Dhaqaalaha faraha badan ee ay Zako ahaanta uga heleen maamulka Islaamiga ah.

 

Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa tan iyo sanadkii 2008-dii waxaa ay sanad walba qaybisaa Zakada,taas oo laga soo qaado dadka ay ku waajibtay ee ku dhaqan Wilaayada Banaadi iyadoona dib loogu celiyo dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan isla wilaayadaasi.

Halkan ka degso qaar kamid ah dadkii Zakada lasiiyay MP3
Halkan ka degso Kalimadda Waaliga Banaadir Sheekh Muuse Caraale MP3












































Related Items