Sawirro: Askarigii 117aad oo Mareykanka looga dilay Afghanistan iyo Talibaan oo Mucaskar soo xirtay.

Tuesday September 17, 2019 - 07:14:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Askarigii 117aad oo Mareykanka looga dilay Afghanistan iyo Talibaan oo Mucaskar soo xirtay.

    Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa sare uqaadday weerarada aan kala joogsiga laheyn ee ay ku hayso ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa sare uqaadday weerarada aan kala joogsiga laheyn ee ay ku hayso ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan.


Askarigii ugu horreeyay oo American ah ayaa lagu dilay wadanka Afghanistan tan iyo markii uu Trump iclaamiyay in uu joojiyay wadahadalladii ku aaddanaa soo afjaridda dagaalka ee kala dhaxeeyay Imaarada Islaamiga Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in mid kamida ciidamada Mareykanka lagu dilay gudaha Afghanistan balse faah faahin dheeri kama bixin qaabka uu dilku udhacay.

 

Saxafiyiin ku sugan Afghanistan ayaa sheegay in weerarka askarigan lagu dilay uu ka dhacay gobolka Faaryaab ee galbeedka Afghanistan dhaca maalintii Axadda ee lasoo dhaafay.

Dhimashada askarigan ayaa ka dhigaysa askarigii 117-aad ee sanadkaan gudihiisa ciidamada Mareykanka looga dilo gudaha wadanka Afghanistan sida ay qirsantahay wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Washington balse Taliban ayaa sheegaysa in khasaaraha dhimashada ciidamada American-ka uu boqolaal gaarayo.

Dhinaca kale Taliban ayaa tababaray usoo xirtay ciidamo kumaandoos ah kuwaas oo loogu talagalay in ay beegsadaan ciidamada Mareykanka iyo soo duulayaasha kale ee Afghanistan ku duulay waqti hadda laga joogo 18 sanadood.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ee Imaarada Islaamiga ah ayaa muujinayay ciidamo aad u hubeysan oo tababar loosoo xirayo, Taliban waxay sheegtay in mucaskarka Zubeyr Bin Cawaam uu soo saaray dufcad cusub oo ciidamo mujaahidiin ah.




















Related Items