War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Amniga gudaha dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in weerar dad shacab ah lagu dilay oo maalmo ka hor ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose ay dowladdu wax ka ogeed.
Nin lagu magacaabo Cabdi Caziiz Xildhibaan oo Afhayeen u ah wasaaradda amniga ayaa xaqiijiyay in dadkii beeraleyda ahaa ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku duqeeyeen duleedka deegaanka Daarusalaam ay dowladdiisu wax ka ogeed isagoo ku adkeystay in dadkaasi ahaayeen Al Shabaab!.
Borobogaanddo ayuu ku tilmaamay sawirrada dadkii lalaayay oo warbaahintu internetka ku faafisay wuxuuna ku adkeystay in diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay weerarka fuliyeen ayna beegsadeen Shabaab.
Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe ayaa idaacadda Codka Mareykanka u sheegay in duqeyntii ka dhacday baadiyaha Daarusalaam lagu dilay sedax qof oo shacab beeraleyd ah isagoo beeniyay warka beenta ah ee kasoo yeeray Wasaaradda ammaanka.
Waa Markii 2-aad oo DF-ka ay sheegato mas'uuliyadda dad shacab ah oo diyaaradaha Drone-ka ay dileen, Cabdi Raxmaan Yariisoow ayaa horay u sheegtay Mas'uuliyadda weerarkii xasuuqa ahaa ee duleedka Bariire ka dhacay waloow markii dambe uu ka laabtay.
Hoggaanka DF-ka ayaa ah dabadhilifyo shisheeyaha u caysan oo dhalashadoodu tahay reergalbeed marwalbana dadka shacabka ah ee duqeymaha lagu dilo ayay mas'uuliyadooda dusha uritaan arrinkaas oo dad badan layaabeen.
Dhageyso sheegashada xasuuqii Daarusalaam MP3
Halkan ka dhageyso Guddoomiye ku xigeenka Baraawe oo xaqiijinaya shacabka la xasuuqay MP3
Hoos Ka Daawo Sawirrada Sedaxdii qof ee Axaddii lasoo dhaafay Diyaaradaha Drone-ka ay ku duqeeyeen beeraha Daarusalaam











