Ciidamada Mareykanka ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan ayaa gummaad daran ugeystay dad shacab ah oo munaasabad aroos ku dhiganayay deegaan dhaca Koonfurta wadankaasi.
Duqeyn xagga cirka ah oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen degmada Muusa Qalac ee katirsan gobolka Helmand ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 40 qof oo carruur iyo dhalinyaro kamid yihiin.
Weerarka ayaa lagu beegsaday guri ay ka jirtay munaasabad aroos ah,farxaddii arooska ayaa si lama filaan ah isugu bedeshay murugo, dad ka badbaaday duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha mareykanka ay ku beegsadeen sawaariikhda wax gubta iyo qanaabil kale oo mamnuuc ka ah in loo adeegsado dagaallada.
Afhayeen u hadlay xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Taliban!. xukuumadda maqaarsaarka ah ayay Americanka ku qasbeen in ay sheegato xasuuqa.
Sawirro: Ciidanka Mareykanka Oo dad Shacab ah ku Xasuuqay Koonfurta Wadanka Afghanistan.
Ciidamada Mareykanka ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan ayaa gummaad daran ugeystay dad shacab ah oo munaasabad aroos ku dhiganayay deegaan dhaca Koonfurta wadankaasi.