Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeyn culus oo ciidamada AMISOM ay ka geysteen deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Duqeynta oo dhacday shalay gelinkii dambe ayaa lagu beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Dagwariiri kaasi oo qiyaastii 3KM ujira degmada Janaale.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa dhintay afar kale oo xaaladooda caafimaad liidatana dhaawacyo ayaa soo gaaray, dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay illaa 5 madfac ku duqeeyeen tuulada.
Madaafiicda qaar ayaa burburiyay masjid jaamaca tuulada Degwariiri, dadka dhintay oo dhammaantood ahaa rag ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdalla Axmed Saqiir Cabdi iyo Ibraahim Max'med Mayoow.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Afar qof oo kamid ah dhaawacyada liita loola cararay isbitaalka guud ee degmada Afgooye, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada shisheeye oo ku saabsan xasuuqa ay ugeysteen dadka shacabka ah.
Dhageyso: Ciidamada Uganda oo dad shacab ah ku dilay duqeyn ka dhacday Sh/hoose.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeyn culus oo ciidamada AMISOM ay ka geysteen deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.