waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si kulul ucambaaraysay falkii ay ciidamada dowladda Farmaajo ku rasaaseeyeey dadkii shalay dibad baxyada ka dhigayay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.
Bayaanno ay soo saareen dhinacyada gummeysta Soomaaliya ayaa dhaleeceeyay rabashadihii shalay dhacay, Ururka IGAD ayaa dhaleeceeyay habdhaqanka ciidamada dowladda wuxuuna ku baaqay in xaaladda ladajiyay.
Ururka Midowga Afrika,Q.Midoobay iyo Mareykanka ayaa iyana dhaleeceeyay wixii shalay Muqdisho ka dhacay, dhinaca kale inta badan waxaa joogsaday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray garoonka caalamiga ah.
Shirkadaha diyaaradaha Turkish Airways,Uganda Airways iyo Ethiopian Airways ayaa ku dhawaaqay in ay si KMG ah hakad ugeliyeen duulimaadyadii ay Muqdisho ku tagi jireen.
Dagaal culus oo shalay ka dhacay hareeraha madaarka caalamiga Muqdisho ayaa sababtay in qeyb kamid ah garoonka ay gubatay kadib markii ay madaafiic ku hoonteen gudaha garoonka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Beesha Caalamka oo dhaleecayn jeedisay iyo duulimaadyo ka baaqsaday madaarka caalamiga ah.
waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si kulul ucambaaraysay falkii ay ciidamada dowladda Farmaajo ku rasaaseeyeey dadkii shalay dibad baxyada ka dhigayay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.