Wasiirka
batroolka nidaamka cabdi fataax Alsiisi ayaa socdaal kedis ah ku tagay
magaalada Qudus ee ixtilaalka kujirta wuxuuna halkaas kula kulmay Benyamiin
Netenyaahu R/wasaaraha Yahuudda.
Ninka
dabadhilifka ah ee lagu magacaabo Daariq Almulla oo farriin ka siday Alsiisi
ayaa tagay Qudus arrinkaas oo loo fasirtay in nidaamka Masar ka jira uu
magaaladan u aqoonsanyahay caasimadda Yahuudda.
inta badan
madaxda iyo wasiirrada dowladaha marka ay booqanayaan waxa loogu yeero
israa'iil waxay tagaan magaalada Talaabiib halkaas oo ay kula kulmaan madaxda
Yahuudda balse hab dhaqanka dowlada Masar ayaa arrinkaas ka duwan waxayna u
egtahay in ay Qudus u aqoonsantahay caasimadda Yahuudda.
R/wasaaraha
Yahuudda iyo golihiisa wasiirrada ayaa udabaal degay imaashiyaha wasiirka
Masaarida ee magaalada qudus waxayna ku tilmaameen guul muujinaysa in dowladaha
carabta ay aqbaleen qaraarkii uu Trump caasimadda yahuudda ugu aqoonsaday Qudus.
Wasiirka batroolka nidaamka Alqaahira ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu uu salka ku hayay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiis dhanka tamarta ah oo ay horay ula galeen yahuudda sahyuuniyadda
Wasiir katirsan dowladda Masar oo Yahuudda ku booqday Qudus.
Dowladda dabadhilifka Masar ayaa muujisay in magaalada Alqudus ay u aqoonsantahay caasimadda Yahuudda sahyuuniyadda kadib markii uu wasiir Masaari ah halkaas booqday islamarkaana uu kula kulmay madaxda Yahuudda.