Warbixinno ay saacadihii lasoo dhaafay soo saareen hay'ado reergalbeed ah iyo dowlado ayay ku xaqiijiyeen in ciidamada xabashida Itoobiya ay ka xasuuq ka geysteen gobolka Tigray.
Warbixin sir ah oo ay faafisay dowladda Mareykanka ayay ku sheegtay in
ciidamada Itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaad ay xasuuq isir sifayn ah ka
geysteen deegaanno katirsan gobolka Tigray.
Warbixinnadu waxay caddeynayaan in Boqolaal qof loo dilay qaab heyb sooc ah,
waregyska New York Times ayaa sheegay in mas'uuliyiin Itoobiyaan ah ay ku lug
lahaayeen xasuuqa shacabka Tigreega loo geystay.
Dhinaca kale hay'adda Amnesty ayaa warbixin ay soo saartay ku caddeysay in
melleteriga Ereteriya ay kaalin weyn ku lahaayeen xasuuqa loo geystay dadka
kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega.
Mas'uuliyiin katirsan Jabhadda TPLF ayaa horay u sheegay in xukuumadda Abiy
Axmed ay xasuuq ugeysanayso dadka birimigeydada ah ee ku dhaqan waqooyiga
Itoobiya.
Mareykanka oo Melleteriga Itoobiya ku eedeeyay in uu xasuuq ka geystay gobolka Tigray.
Warbixinno ay saacadihii lasoo dhaafay soo saareen hay'ado reergalbeed ah iyo dowlado ayay ku xaqiijiyeen in ciidamada xabashida Itoobiya ay ka xasuuq ka geysteen gobolka Tigray.