Mareykanka oo qalab ciidan soo dhoobtay Jaziirad ku dhow dalka Turkiga.

Sunday February 28, 2021 - 16:22:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qalab ciidan soo dhoobtay Jaziirad ku dhow dalka Turkiga.

    Dowladda Mareykanka ayaa boqolaal kamid ah ciidamadeeda melleteriga iyo kuwa badda ku daad guraynaysa gudaha wadanka Gariigga gaar ahaan meel ku dhow xuduudd lagu murunsanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa boqolaal kamid ah ciidamadeeda melleteriga iyo kuwa badda ku daad guraynaysa gudaha wadanka Gariigga gaar ahaan meel ku dhow xuduudd lagu murunsanyahay.



 

Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in Mareykanku uu ciidamo soo dhoobay Gariigga, dhaq dhaqaaq melleteri ayaa lagasoo sheegayaa jaziiradda Alexandroupolis halkaas oo uu kuyaal saldhig melleteri oo ay xukuumadda Washington leedahay.

 

Wasaaradda difaaca xukuumadda Anqara waxay sheegtay in ay xadidday inkabadan 110 diyaaradood oo nuuc Black Hawk oo Mareykanku leeyahay iyo 1800 oo gaadiidka gaashaaman ah, qalabkaas ayaa lageeyay saldhigga uu ka sameystay meel 20Km oo qura ujirta xuduudda Turkiga.



 

Qalabkan melleteri ee Mareykanku uu ku daadgureeyay Gariigga waxaa dajiyay markab dagaal oo lagu magacaabo USS Hershel woody wilams-kaasi oo bishii janaayo ee lasoo dhaafay ka shiraacday xeebaha soomaaliya halkaas oo uu ka daad gureeyay ciidamadii american-ka ahaa ee ku sugnaa.

 

Turkiga oo ay Mareykanka iskula jiraan isbahaysiga NATO ayaa ka shakisan dhaq dhaqaaqa uu ka wado dalka Gariigga oo colaad soo jireen ah ay kala dhaxayso.

 

Ciidamada american-ka ah ayaa kuwa gariigga kala qeyb galay dhoolatus lagu xusayay 200 guuradii kasoo wareegtay markii uu Gariiggu ku fallaagoobay dowladdii cusmaaniyiinta.

 

Falanqeeyayaasha melleteriga ayaa aaminsan in mareykanku uu doonayo in uu ku biiro loollanka awood raadsiga ah ee kajira badda Medetareeniyaanka

Related Items