Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku burburtay waqooyiga dalka Suuriya.

Sunday February 28, 2021 - 16:31:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku burburtay waqooyiga dalka Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo uu ruushku leeyihay ay kusoo dhacday deegaan dhaca waqooyi bari dalka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo uu ruushku leeyihay ay kusoo dhacday deegaan dhaca waqooyi bari dalka Suuriya.


Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka waxay sheegtay in diyaarad dagaal ay kusoo dhacday inta udhaxaysa tuulooyinka Alriixaaniya iyo Qaasimiya oo dhammaantood hoos yimaad degmada Taltamar oo katirsan gobolka Xasakah.

Sida wararku sheegayaan diyaaradda ayaa gubatay waxaana ku dhintay duuliyihii kaxaynayay oo ahaa askari ruushiyaan ah, sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo holcaysa.

illaa iyo hadda lama sheegin sababta ay diyaaraddu usoo dhacday in dhulka laga toogtay iyo in ay cillad farsamo aawgeed usoo dhacday.

Related Items