Getachew Reda oo ah afhayeenka jabhadda xureynta qowmiyadda Tigreega ayaa sheegay in ay jeneraallo iyo saraakiil sarsare oo amxaara ah ku dileen dagaallo culus oo ka dhacay dhulka buuralayda ah ee ku hareeraysan magaalada aksoom.
afhayeenka TPLF oo muddo bila ah aan war iyo wacaalkiisa lahayn ayaa shalay kasoo muuqday warbaahinta, isagoo muuqaalkiisu isbedelay ayuu baahiyay aqoonsiyo caddeynaya heybta saraakiil amxaara ah oo ay ku laayeen dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya.
Saraakiisha kooxda Tigreega oo dagaal jabhadays ah ku iclaamiyay ciidamada Abeey Axmed ayaa ku goodinaya in ay dagaalka sii wadi doonaan illaa ay dib uga qabsanayaan magaalada maqalla iyo dhulkii ballaarnaa ee looga qabsaday howlgalkii dhacay bishii November ee lasoo dhaafay
Jabhadda TPLF oo soo bandhigtay aqoonsiyada saraakiil ay ka dishay meleteriga Itoobiya.
Kooxda TPLF ee ka dagaallanata wadanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay khasaare lixaad leh gaarsiisay ciidamada melleteriga federaaliga xabashida ee duullaanka ku qaaday gobolka Tigray.